|
Colaadii ka
aloosneyd tuulooyin hoosyimaada Diinsoor oo dhameynteeda lagu dhow yahay.
Wadahadallo nabadeed oo
toos ah ayaa haatan si fir ifr cooni leh waxaa ay uga soconayaan tuulooyin
ka tirsan degmada Diin soor ee gobalka Bay six al kama danbeyn ah loogu
helo coladda u dhexe ysa laba beelood oo dhawaan dagaalo ay dhexmareen
Waxaa wada
hadalladani ay yimaadeen kaddib markii tuulooyinka lagu dagaallamay eek ala
ah Gorgoray,Xabiibayaal ,Raaxoole iy Cadaad Garay ay gaareen odayaal
nabaddoono ah oo ka tagay degmada Diinsoor si ay xal ugu helaan
mashaakilaadkii sababay dagaalladii dhacay.
Waraka halkaa ka
imaanaya ayaa sheegaya in masuuliyiinta guddiga nabadeyntu ay isukeeneen wax
garad ka soo kala jeeda labada beelood ee colaaddu u dhexeyso si khilaafka
jira wwadahadal loogu dhammeeyo,loogana gaashanto mar kale dagaallo sokeeye
in ay dib uga dhex qarxaan labada belood.
Dadweynaha
deegaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya wadahadalladu guul in ay ku soo
dhammaadaan,kaddib markii odayaasha labada beelood ay sheegeen in ay ku
qanacsanyihiin geedi socodka nabdda isla markaana ay ku qanacsanyihiin wixii
go’aan ah ee odayssha dhex dhexaaadinta uga yimid degmada Diinnsoor ay
gaaraan.
Jawi nabadgeliyo
xabaarsan ayaa haatan ka muuqanaya tuulooyinkii ay dagaalladu ka dheceen
maadama la kala qaaday maliishiyooyinkii is horfadhiyay oo dagaalladii ay
isla galeen ay sababeen dhibaatoyin kala duwan,waxaana soconaya dhaqdhaqaaq
ganacsi oo caadi ah .
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|