|
Cismaan Cilmi Boqre oo sheegay inay fashilmeen howlahii laga waday Muqdisho
Gudoomiye K/xigeenka labaad ee Baarlamanka FS ayaa sheegay inay fashil
meen howlahii laga waday magaalada Muqdisho, taasina ay ku keentay in uu ku
biiro dhinaca kale Jowhar, hadalkaan ayuu ka sheegay shir jaraa'id uu ku
qabtey magaalada Jowhar.
Cismaan Cilmi Boqorre oo Gudoomiya ku xigeenka labaad ee baarlamaka DFS
ayaa maanta shirkiisa Jaraaid sababaha uu uga tagay magaalada Muqdisho,
isagoo sheegay in ay tahay ka dib markii ay dhamaatay waqtigii ay qabsadeen
xubnaha labada gole ee ku sugnaa Muqdisho oo isagu ka mid ahaa waxana ay u
qabsami waayeen.
Boqorre ayaa waxa uu tilmaamay in uu ku jahawareeray howlihii ay Muqdisho
ka wadeen ragii kale ee asxaabtiisa ahaa, isagoo sheegay in ay yiraahdeen
isbaarooyin ayaan qaadeynaa, iyadoo aan la dhameyn howshaasi ayaa hadana
lagu dhawaaqay xareynta maleeshiyaadka oo uu tilmaamay in iyadana qabyo
looga tagay ka dibna waxaa la bilaabay olole la xiriira maamul u sameynta
gobolka Banadir oo ah mid lagu fashilamayo ayuu yiri Boqorre.
Gudoomiye K/xigeenka 2aad ee Baarlamanka FS Cismaan Cilmi Boqorre ayaa
sheegay in uu fulin doono howlihii uu u dhaartay ee waajidaabka ka saarnaa,
isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta dowladda FS ee ku sugan magaalada Muqdisho
in ay qaataan mowqifkii ay kaga saari lahaayeen dhibaatada Umadda
Soomaaliyeed ee 14 sano jirsatay
Cismaan Cilmi Boqorre ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar, isagoo safar
dhinaca dhulka ah ugu ama babaxay magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Ra'isulwasaaraha dowladda FS Prof.Cali Max'ed Geedi ayaa mar
kale sheegay in uu dhawaan imaanayo magaalada Muqdisho si uu u galo howlihii
uu sheegay in laga fulinayo magaalada Muqdisho.
Geedi ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliya in ay is cafiyaan mar uu
ka hadlayay munaasab ciida loogu dabaaldagayay oo ka dhacday magaalada
Jiowhar.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|