|
Ciidamo gaaraya ilaa 400 oo ka yimid Bakool oo maanta
Tababar si rasmi ah ugu Bilowday Xerada Congo ee Magaalada Jowhar
Habeenkii Xalay ayaa waxaa magaalada Jowhar soo gaaray
Ciidamo ka yimid Gobolka Bakool kuwaas oo gaaraya ilaa 400 oo ciidan.
Ciidamadan xalay saqdii dhexe soo gaaray Jowhar ayaa la
sheegay in Saakay ay ka mid noqdeen Ciidamadii tababarka mudadan uga socday
Xerada Congo ee Duleedka Mgaaalada Jowhar.
Ciidamada ku sugan Xerada Congo ayaa lagu qiyaasaya in ay
kor u dhaafayaan ilaa 5000 shan kum kuwaasoo isugu jira Ciidamadii ka kala
yimid Puntland,Hiiraan iyo qaar ka tirsan Gobolada Dhexe iyadoo ay habeenkii
xalay ahaana ay soo gaareen Ciidamo hor leh kuwaasoo ka yimi Bakool.
Ciidamadan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa la sheegaa in ay
yihiin Ciidamo qaran,hadana Xubanaha Labada Gole ee ku sugan Muqdishona waxa
yiraahdaan in ay Yihiin Ciidamada Jowhar jooga kuwa uu Madaxweyne C/llaahi
Yuusf uu doonayo inuu ku soo weeraro Magaalada Muqdisho,sida ay hadalka u
dhigeen,qaar ka tirsan Wasiirada Hubeysan ee Jooga Muqdisho ayaa iyagu
siyaabo badan ku tilmaamay arimaha Ciidamada ee lagu uruurinayo Magaalada
Jowhar.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakula
jakula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|