Ciidanka
Maxamed dheere oo soo qabqabtay kooxo burcad ah
ciidammada ammaanka ee gobalka shabeellaha dhexe kana
amarqaata maxamed dheere ayaa howl gal burcada lagu sifeynayo ka fuliye
wadada isku xirta gobolka Hiiraan iyo Jowhar waxaana lagu soo qabqabtay ilaa
1 4 nin oo burcad ah oo isbaro ay u tiil meel deegaanka Fiidow u jirta
dhowr kiilomitir halkaaso dadka iyo gawaaridaba ay ku furanayeen.
Howl galkan ayaa yimid kaddib markii Maxamed Dheere uu
ammar ku bixiyay in la qaado isbaarooyinka yaala inta u dhexeysa tulada
Fiidow iyo degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan,Maxamed dheere ayaa
maleeshiyooyinka isbaarada u taal u balanqaaday inuu siinayo 900 kun oo
shilinka Soomaaliaga ah hadii ay iska daayaan isbaarada.
Laakiin maleeshiyadii isbaarada u tiil arintaa ayada
ahi waa ay u cuntami weysay taasina waxa ay sababtay in howgalkan lagu
dhaqaaqo. Arintan lagu sifeynayo wadada isku xirta Shabeelaha dhexe oo
iminka xarun u ah dawlada iyo gobolka Hiiraan ayaa timid ka dib markii lagu
dhawaaqay in dawladu ay saldhig kmg ah ka dhigatay Jowhar.
Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga siyasadda gobalk
Shabeellah dhexe Maxamed Cummar Xabeb (Maxame Dhere) ayaa magacaabay masuul
cusub oo taliye u noqonaya ciidammo loogu tala galay in ay sugaan ammaanka
deegaannada u dhexeeya tuulada Fiidow iyo degmada Buula burte ee gobalka
Hiiraan.
Cusmaan Joorre ayuu Maxamed Dheere u magacaabay in uu
noqdo taliyaha cidamada ammaanka ee inta u dhexeysa deegaanada Fiidow iyo
Buuloburde.
Maxamed
Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali TV Muqdisho