Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Ciidamo ka socda maamul goboleedka Puntland oo la sheegayo on Bakool ay kusoo wajahanyihiin.

 
mas'uuliyiinta iminka gacanta ku haysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamo balaaran oo ka socda oo ka socda maamul goboleedka Puntland ay kusoo fool leeyihiin gobolka Bakool oo iminka xarun ay ka dhigteen garabka baydhabo dibada ka jooga.
Maxamed Ibrahim Xaabsade oo ah hogaamiyaha cidamada gacanta ku haysa magaalada Baydhabo ayaa in ay hayaan cadeymo muujinaya in gobolkaasi ay ku soo fool leeyihiin cidamo reer Puntland.
 
wararka halkaa ka imanaya waxa ay tilmaamayaan in diyaar garow balaaran ay wadaan xubnaha baydhabo gacanta ku haya kuwaasoo doonaya in ka hortagaan ciidamadaasi.
xubnaha bakool ku sugan ayaa beeninaya in ay jiraan ciidamadaasi waxayna sheegayaan in wararkaasi ay yihiin kuwo ku tiri ku teen ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
 
wasiirka garsoorka dawlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka bakool ayaa sheegay in gobolka bakool ay ka socdaan oo kaliya howlo lagu ururinayo ciidamo kuwaasoo la doonayo in ay ku biiraan ciidamada cusub ee xoogga dalka Soomaaliyeed.wasirka garsoorka waxa uu sheegay in gobolka aanay ku sugneen ciidamo ka oscda Puntland sidoo kalena aanay kusoo fool lahayn waxa ay tilmaamayaanna kuwa ku sugan baydhabo ay yihiin kuwo dacaayad ah.
 
wasiirka ayaa sheegay sidoo kale in iminka uu u jooga gobolka bakool howlo ay dawlada KMG ah ay leedahay .
 
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv  Muqdisho.