Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Ciidamada badda dalka Britain ayaa sheegay inay u gaarsanayaan Burcad Badeedka Somaliya

Ciidamada badda dalka Britain, ayaa wacad ku maray inay ugaarsanayaan oo ay daba galayaan shuftada baddaha ee ka qowleysta biyaha Soomaaliya, kuwaasoo argagax geliyey xeebta geeska Afrika sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

Captain Pottengal Mukundan, oo ah agaasimaha xafiiska baddaha caalamiga oo wakiil ka ah maraakiibta aduunka, uuna ansixiyey ururka baddaha caalamiga, haystana awood ilaalineed oo buuxda, ayaa ugu baaqay maraakiibta dagaalka ee Britain iyo Mareykanka inay daafacaan maarkiibta ganacsiga ee maraya biyaha caalamiga ee geeska Afrika.

“Burcad-badeeddan Soomaaliyeed waa afduubayaal rasmi ah” ayuu yiri Mr Mukundan oo intaasi ku daray in burcadaasi ay ku tala galeen in ay halis geliyaan maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya.

Wasaarada gaashaandhiga dalka Britain ayaa u sheegtay jariirada Sunday Herald in maraakiibta dagaalka ee Britain ay qaadayaan talaabo ay ku daba-galayaan burcada badaha, ayna gacan ka geysanayaan sidii looga gudbi lahaa mushaqada ka taagan xeebaha Soomaaliya, iyadoo afhayeen u hadlay wasaarada uu intaasi ku daray in dowlada Britain ay gebi ahaanba ka soo horjeedo falalka burcada badaha.

Iyadoo iminka dowlada Britain ay ku waanisay shirkada maraakiibta British-ka inay ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya masaafo dhan ugu yaraan 150 niyootikaal mayl oo ah masaafo badeed, ayaa haddana burcad-badeedka waxa ay badeleen xeeladahooda, waxa ayna isku dayayaan inay tiigsadaan meelaha fog fog ee ay marakiibtu marayaan.

Iskudaygii afduub ee ugu dambeeyey waxaa laguq aaday markab nooca lagu raaxeysto ah oo marayey xeebaha Soomaaliya, kaasoo si dirqiya kaga baxsaday shuft-badeed Soomaaliyeed oo watay laba doonyood oo dheereeya, kuwaasoo ku riday gantaalada garbaha laga rido iyo rasaas.

Iminka waxaa xeebaha Soomaaliya lagu haystaa ilaa todobo markab iyo in ka badan boqol bad-maax oo ka soo kala jeeda wadamada Burma, Indonesia, Phillipines iyo Ukraine.

Ilaa 15-kii bishii March ee sanadkan waxaa xeebaha Soomaaliya ka dhacay ilaa 32 weerar oo ay qaadeen burcad-badeed Soomaali ah.

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya