|
Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka bilowday howlo balaaran oo
raashin gargaar ah loogu qeybinayo boqlaal qoys oo waxyeelo ba’an ay ka soo
gaartay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmadaasi.
Raashinkaan gargaarka ayaa degmadaasi iyo degaanada ku dhow dhow waxaa ka
bixinaya hay’adda samafalka Care International oo la kaashaneysa ururo kale
oo wadani ah oo ka jira degaankaasi.
Raashinkaas gargaarka ah oo dhan ilaa 350 Mton ayaa waxaa uu ka kooban
yahay Haruur, Boorash, Digir, Saliid iyo Cusbo kuwaasi oo loogu talo galay
in ay wax ka taraan nolosha qeybo ka mid ah bulshada oo in mudo ah aan helin
wax kaalmo bani’aadnimo, waxaana ay si weyn u soo dhaweeyeen mucaawinada
balaaran ee loo qeybiyay.
Qeybinta raashinkaan ayaa shalay galab ku soo gabogabowday sidii loogu
talo galay sida ay RSTV u sheegeen qaar ka mid ah ururada samafalka wadaniga
ah oo aan kula xiriirney khadka isgaarsiinta fooneeyaha.
Waxaana la sheegay in gargaarkaas uu yahay mid isdaba joog ah, iyadoo
maalmaha soo socdo la filayo in gargaar kale uu soo gaaaro degmada Ceelwaaq
iyo nawaaxigeeda.
Ururarada howlwadeenada wadinaga ah waxa ay sheegeen in gargaarkaasi uu
yahay mid tijaabo ah isla markaana dhiiri galin u ah amniga hay’adaha
samafalka oo doonaya in ay gargaar u fidiyaan dadkii ku dhibaateysnaa
degmadaaasi oo maalmihii ugu dambeeyay walaac ay ka qabeen amniga
magaaladaasi.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo gargaar ceenkaan oo kale
ah loo qeybiyo tan iyo waxii ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay degamada
Ceelwaaq.
muxyadiin cali jimcaale jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|