|
Muqdisho oo laga dhawwaqay Shirkad Caymis
Shirkada Caymiska iyo Magdhwga Gaadiidka iyo dadweynaha ee rasta Nuura
ayaa xafiiskeeda ugu horeeyay maanta laga furay magaalada muqdisho, iyadoo
ka shaqeyn doonta camiska gaadiidka noocydaiisa kala duwan shirkadaasi oo
laga lee yahay wadanka Boqortooyadda Suciiduga.
C/Casiis Guhaad Jovey oo ah wakiilka Shirkadda Rasta ee Nuura xafiiskeeda
Muqdisho ayaa sheegay iney shirkadu wax ka qabaneyso Dhibaatooyinka shilal
ee dad iyo gadiidka, taasoo kala siineysa magdhaw iyo ceymis, iyadoo
isticmaaleysa Shuuruucda caalamiga ee lagu kala hago gaadiidka iyo
dadweynaha, gadiid kasta oo ka diwaan gashan shirkadaasi la siinayo calaamad
gaar ah oo lagu garto inuu ka diwaan gashan yahay Caymiskaasi.
C/Casiis Jovey mar ay wax ka weydiisay RSTV shuruudaha loga mid noqon
karo caymiska shirkadaasi ayaa sheegey iney marka horay ay midowga
maxkamadaha Muqdisho soo gudbiyaan gaadiidka si loo hubiyo Milkiyadiisa iyo
faya qabkiisa gaariga.
Shirkada Caymiska iyo magdhawga maanta laga furay miqdisho ayaa ah tii ugu
horeysay ee dalka laga hirgaliyo tan iyo Burburkii Nimaadkii dhexe ee dalka
Soomaaliya waxa ayna timid xili aan dalka ka jirin Sharci iyo kala danbeyn.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|