Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Casho Sharaf loo  Sameeyey Madaxweynaha  Soomaaliya

Waxaa xalay Xarunta Madaxtooyada ee uu degan yahay Madxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee Magaalada Jowhar ka dhacay Casho sharaf lagu soo dhoweynayay Madaweyne C/llaahi Yuusuf.

Casho sharafta ee uu Madaxweyne Yuusuf caawa u qabtay Xubnaha Labada Gole ee ku sugan Jowhar,ayaa waxa ay aheyd mid uu uga warbixinayay Safarkiisa Mareykanka waxa uu kula soo kulmay Madaxweyne Yuusuf.

Qudbadii ugu horeysay ee munaasabada Casho Sharafta ah waxaa halkaasi ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Kmg ah Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo isagu ka mid ahaa xubnihii Madaxweynaha ku wehliyay Safarkii Mareykanka ee ay uga qeyb galayaan Shirka Qaramada Midoobey.

Maareeye ayaa sheegay in ujeedada ay halkaasi u tageen ee ahaa in ay ka qeyb galaan shirka qaramada Midoobey,sida aan og nahay waxaan halkaasi Qudbado kala duwan ka soo jeediyeen Wasiirka Arimaha Dibada C/llaahi Sh. Cusmaaciil iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,shirkaasi ayaa waxaa lagu heshiiyay la dagaalanka faqrinimada,warbixinadii ay ka hadleen Madaxda Soomaaliya waxa ay ka siiyeen warbixin guud oo ah xaaladaha faqiirtinmada iyo tan guudba ayuu yiri Maareey oo intaa raaciyay,waxaan culeys saarnay in aan la kulano Madaxda kasoo qeyb gashay shirkaas oo halkaas ay kasoo qeyb galeen Madaxada aduunka oo dhan,waxaan sameynay inaan la kulano Beesha Calaamka iyo Madaxdii kasoo qeyb gashay oo ay isugu jireen Yurub, Afrika iyo Caarbtaba waxaana la kulanay ku dhowaad 15 dal oo aanu kala hadalnay ayuu yiri Maareeye Arimaha Soomaaliya,afarii casho ee aan joognay Mareykanka waxaan xooga saarnay inaan la kulano ururada Caalamiga sida hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub,sida aan wada og nahay waqooyiga Ameerika waxaa jooga Soomaali Badan oo dalka ka tagtay waxaan la yeelanay kulan muhiim ah oo aanu ka hadalnay arimo badan oo quseeyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa casho sharafta caawa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Magalaada Jowhar ka hadlay Madaweyne C/llaahi Yuusuf oo isagu warbixin dheer oo ku aadan safarkiisa Mareykanka uu ka siiyay Xubanaha Labada Gole ee jooga Jowhar,wuxuu sheegay Madaxweyne Yuusuf in safarkiisa uu ahaa safar dheer oo uu ku tagay Mareykanka; 14kii september ayeynu dalka ka tagnay, safarku waxa uu ahaa mid dheer wan ku daalnay ayuu yiri,safarka aan ku tagnay Mareykanka waxaan u soconay 25 saacadood,waxaan kala garan waynay maalintii iyo habeenkii,waxaanu ka dib dhacay Xafladii shirka lagu furayay iyadoo qudabadihii ay jeediyeen Madaxweynaha Mareykanka iyo Xogahayaha Qaramada Midoobey iyo Madax kale ayna na dhaaftay maadaam aan dib uga soo dhacanay ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

Shirka aan ka qeyb galnay ee ahaa shir sanadeedka Qaramada Midoobey ee ka dhacay New Yorka waxa uu ahaa mid taariiqi ah, maadaama uu ahaa shirkan shirkii 60aad ee aas aaska qaramada midoobey ayuu yiri madaxweynaha,isagoo intaa raaciyay in soomaaliya ay qaramada midoobey ku jirtay Soomaaliya 9sano oo ay ku jirtay markaas oo ay is bad badalayeen Dowladaihii, 21sano iyo 15 sanadood marka la isu geeyo ay tahay 45sanadood ayey soomaaliya ku jirtay qaramada midoobey,laakin soomaaliya waxay xurnimada qaadatay markii qaramada midoobey la aas aasay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Golaha Qaramada Midoobey ay u sheegeen in ay ka seex deen,wuxuuna carabaabay in Soomaaliya Xaaladeyda dib loo eego ayuu Madaxweynaha yiri,waxuu sheegay in dhibaatada soomaaliya wax ka qabtaan,waxaan u sheegnay in dib looga haray oo albaabadi laga xir xirtay Soomaaliya,madasha shirka ayaa intaas ka jeediyay oo aan furanay afkeena oo aan waajibaadkeena ka hadalnay,intuba waxa ay aheyd in soomaaliya dib loo eego oo laga saaro dhibaatada raagtay ayuu Yiri Madaxweyne Yuusuf.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com