Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Caruur badan oo wax yeelo ka soo gaartay Maleeriyada Madaxa Gasha maxayse ka qabteen Cisbitaalada gaarka loo leeyah ee magaalada Muqdisho

Hadaba Dr Maxamed Xasan Sabriye oo ka howl gala Cisbitaalaka Xamar Folontari ayaa RSTV u sheegay sababaha loo furay Cisbitaalada gaarka loo leeyahay waxaan uu sheegay macanaha ugu weyn inuu yahay in la doboolo baahida caafimaad si ay daawo u helaan dad badan oo magaalada Muqdisho iyo Goblolada u dhow ugu dhibaataysan daaweyn la aan

 Waxaa maal mahaan ku soo batay magaalada Muqdisho Cudurka Maleeriya oo waxyeelo badan u gaysta Caruur badan Dr Sabriye oo kahowgalo Xamar folontari Hosbilaal ayaa sheegay in qay daweynayaan Caruur badan oo qabta Maleeriyada Madaxa gasha waxaan uu sheegay inay jiraan Caruur u dhimatay Cudurka Maleeriyada balse waxaa uu raaciyey inay ku daldalaan oo ay baxnaaniyeey caruurbadan

Dr Sabriye ayaa sidookale sheegay inay daweeyaan wax dadka ku dhaawacmay Dagaalda maalin kastaa ka dhacaaya Muqdisho waxaan la ogyahay ayuu yiri Dr Sabriye Cisbitaalada gaarka loo lee yahay inay isku dayeen inay daboolaan bahaadida caafimaad

Dr Sabriye ayaa sheegay inaysan jirin ha ado wax tabrucaad ah u fidiyey Cusbitaalkooda balse sheeagy inay ku wadaan khidmooyin macquul ah oo laga qaado bukaanka

Waxaa kaloo raaciyey iny Dalka joogaan dhaqaatiir balse loo bahan yahay inay helaan dhiiri galin in kastoo uu sheegay inuu shaqsiyan dalak joogay tan iyo dagaaladii Sokeeye

Waxaana uu sheegay in Cusbilaakqani lagu daweeyo Haweenaka iyo Caruurta dadka dada ah in kastoo ay si folantari ah u qabtaan dad dagaalada ku soo dhaawac may

Xamar folantari ayaa uu sheegay inay ka howlgalaaan 25 Ruux waxaa kaloo uu sheegay inay jiraan Gabdho iyo Wiilal tababaro loo dhameeyey oo haatan ka howgala Cusbitaalka si aysan dhalin yaradaasi uga qayb galin dagaalada iyo mustaqbalaanta soo wajahday Caruur badan oo ku nool somaliya

Dr maxamed xasan sabriye ayaa ka mida dhaqaatiita cisbitaalka keeysanay oo uu ka shaqaynaayey tan iyo markii uu howl bilaabay cusbitaalka keysaneey waxaan uu kamid yahay dhaqaatiirta gaarka ee haatan ay sida gaarka isha ugu hayso ICRC oo gacata ku haysa cubitaalkaasi in kastoo ay jiraan dhaqaatiir ku waqti ahaa oo iminka wali kala shaqeeya keysaney

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya