Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Jaamacadda Carabta oo sheegatay inay Xafiis ka furanayso Magaalada Jowhar

Shir Jaraa'id oo maanta ay ku qabteen magaalada Jowhar wasiirka amuuraha dibadda Somalia C/laahi Sheekh Ismaciil iyo wakiilka Jaamacadda Carabta ee Somalia Samiri Xusni ayaa waxa ay ku sheegeen go'aamadii ka soo baxay shirkii xalay ay yeesheen dowladda FS iyo wafdiga J/carabt, sidoo kale Samiir Alxusni waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, isagoo dabadeedna halkaasi ka ambabxay.

Go'aanadii ka soo baxay oo laga aqriyay Saxaafadda Horteed laguna asqriyay luuqadaha carabiga iyo Somaliga ayaa waxaa ka mid ahaa in xukuumadda FS ay qireyso in Jaamacadda carabta ay u tahay udub dhexaadka jawiga nabadeynta Somalia, inla dhowro midnimada umadda Soomaaliyeed, in laga furo magaalad Johwar Xafiis ay leedahay J/carabta, in Jaamacadda carabta ay ku booriso dowladaha carbeed in ay soo dadajiyaan dhaqaalihii ay u balan qaadeen dowladda FS, in la diyaariyo kulan ay isugu imaan doonaan Jaamacadda Carabta oo lagu falan qeyn doono arimaha Somalia.

Samiri Xusni oo ay tahay markii ugu horeysay oo uu yimaado magaalada Jowhar ayaa sheegay in jaamacadda carabta ay ku dadaaleyso sidii ay u garab istaagi laheyd dowladda FS, isagoo carbaabay in uu hor dhigi doono war bixin ku saabsan waxii uu kula kulmay magaalada Jowhar kulanka ugu horeeya oo ay yeelan doonaan Jaamacadda Carabta.

Samiir Xusni mar wax laga weydiiyay in Muqdisho uu tagayo ayaa waxa uu sheegay in Muqdisho uusan qorshaha ugu jirin balse waxa uu tibaaxay in kulankii ugu dambeeyay ee madaxda carbeed ee ka dhacay Qahira uu ka jeediya amuuro badan oo ku saabsan xaaladaha murugsan ee Somaliya.

Dhinaca kale Samiir Xusni iyo Madaxweynaha dowladda FS oo ka hadlay kulankaasi ayaa hadaladii halkaasi ay ka jeediyeen waxa ay inta badan ku aadanaayeen xafiiska Cusub ee Jaamacadda Carabta ay ka furatay magaalada Jowhar, iyadoo Madaxweynaha dowladda FS uu sheegay in J/carbta looga baahan yahay in ay ka soo dhalaasho kaalinteeda ku aadan arimaha Somalia, waxa uuna sheegay in dowladiisu ay ka go'an tahay in Qaranimadii hore dib loo soo celiyo.

Samiri Xusni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in magaalada Jowhar laga furey xafiiskii Jaamacada Carabta ee magaalada Jowhar, iyadoo Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max'ed Dheer uu furihii ku wareejiyay Cabdalle Mubaarak oo noqon doono xiriiriyaha Jaamacadda Carabta ee Somaliya.

Wafdigii Jaamacadda Carabta ee uu hogaaminayay Samiir Xusni ayaa maanta ka amababaxay magaalada Jowhar, iyagoo u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya