|
Caamir Muusaa oo lagu wado inuu Soomaliya yimaado
Ilo muhiim ah oo ka soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu
sheegay in Xoghayaha guud Ururkaasi Caamar Muusaa uu booqasho ku imaan doono
Soomaaliya markii ugu horeysay tan iyo markii Hogaanka Ururkaasi uu qabtay
sanadkii 2001di.
Caamar Muusaa ayaa booqashadiisa dalka Soomaaliya waxaa si rasmi ah loo
shaacin doonaa marka ay warbixin gudbiyaan Ergada Jaamacadda Carabta ee
dhowaan booqashada ku tagtay Degmada Jowhar .
Caamar Muusaa ayaa waxaa lagu waramayaa inuu doonayo inuu booqasho ku
tago dhamaan dalalka carabta ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ka
hor inta aanu dhamaan waqtiga Hogaankiisa oo ku eg Bisha March ee sanadka
nagu soo aadan 2006-da.
Arintan ayaa waxa ay soo baxday markii Magaalada Jowhar ay booqdeen Wafdi
sare oo Jaamacadda Carabta ka tirsan oo uu hogaaminayay Madaxa Qeybta Afrika
Iyo Feylka Siyaasadda Soomaaliya Danjire Samiir Xusni ayna ka mid ahaayeen
Saalim Alkhuseybi oo ah Ergeyga Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ugu
qeybsan arimaha Soomaaliya , Kaaliyaha arimaha Soomaaliya C/lla Mubaarak
Alcariimi iyo dhowr diblomaasiyiin Carbeed oo kale .
Wafdigan ayaa intii ay joogeen Magaalada Jowhar waxa ay kulan albaabada u
laabnaa ay la yeesheen R/wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf , waxaana hakad uu yimid Socdaal wafdigaasi ay ku doonayeen in ay
shalay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho oo ay ay ku sugan yihiin Wasiiro iyo
mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|