Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Cali Maxamed Geedi oo maanta booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho

xubno uu horkacayey ra’isulwasaaraha dawlada Somalia ayaa maanta kasoo dagey garoonka dayaaradaha  Casilay ee duleedka Muqdsiho. Geedi iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey maamulayaasha degada dhaboociga ah ee Ceelmacaan iyo dadka deegaankaasi.

 Xubnaha la socday Geedi ayaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta Ismacil Maxamud Hurre Buubaa ,wasiirka ku xigeenka degedaha ,wasiir ku xigeenka warfaafinta Salad Cali Jeelle iyo xubno caddaan ah oo laga yaabo in ay ka mid yihiin ergeda Talyaaniga iyo Ingiriiska u qaabilsan Somalia oo maalintii shaley soo gaarey magaalada Jowhar.

 Cali Maxamed Geedi oo halkaa hadal  kooban ka jeediyey ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay sii shaqeynta degeda Ceelmacaan inta laga furayo degada magaalada Muqdisho. Geedi ayaa islamarkiiba halkaa ka dhoofay asagoo la sheegay inuu u ambabaxay dalka Libiya caasimadiisa Tiriboli ,waxaana la filayaa in halkaa uu kaga qeyb galo shir halkaa ka furnaya.

 

Maxamed Cumar Sheekh(Maxamed Cadde)
Rochester   Somali Tv   Muqdisho