|
Cali Ugaas Cabdule oo loo magacaabay Qunsulka Safaarada
Soomaliya dalka Talyaaniga.
Wararka laga helayo Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya
in Siyaasiga Soomaaliyed Cali Ugaas C/lle loo Magacabay Qunsulka Guud ee
Safaaradda Soomaaliya u fadhiya magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Cali Ugaas Cabdulle ayaa dhawaan gaaray Magaalada Roma, waxaana la
sheegaya inuu watay Waraaqtii lagu magacabay, taas oo u gudbiyay Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga. Magacaabista Cali Ugaas oo ku soo beegantay
maalmo kadib markii Roma lagu aasay qunsulkii guud Axmed Sugulle Xersi oo ku
geeriyooday magaalada Roma, waxaana la sheegaya in Cali Ugaas xiriir
Wanaagsan kala dhaxeeyo waaxda arrimaha Dibadda Talyaaniga.
Cali Ugaas C/lle oo Dowladdii Carte ka soo noqday Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ayaa ka hor waxaa uu ahaa mid ka mid ah kuxigeenada Cali Mahdi
Maxamed, isagoo dad badan ku yaqaanan inuu yahay Siyaasi, hogaamiye dhaqan
iyo nin inta badan soo jiita Shacabka
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|