Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Calanka dawladda kenya oo muddo sadex maalmood ah hoos loo dhigay kadib geeridii ku timid Hoggaamiyihii jabhadda SPLA ahaana madaxweyne ku xiggeenka sudan wax ka yar sadex todobaad

 
Tan iyo markii la shaaciyey geerida hoggaamihiyii horre ee jabhadda SPLA Mr John Grang Maalintii shalay ahayd,Ayaa waxaa meelo kala gedisan oo ka tirsan dalka Sudan ka dhacay dagaallo dhex maray ciidamadda Ilaalada ee sudan iyo dhalinyaro ka caraysan geerida Hoggaamihayoodda John Grang
 
Wararka aynu ka helayno magaalo madaxda Sudan ee Khartuum ayaa sheeggaya in dhimashadda dadkii ku geeriyooday shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay halkaasi ay iminka marayso 35 qof oo intoodda badana ay yihiin dad ra"id ah halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 100 qofood
 
Ciidamadda ka hor tagga qalalaasaha ee sudan ayaa waxay dadkii isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magaaladda Khartuum u adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa si markaasi loo kala diro dadkii rabshadaha ka waday gudaha magaaladda tan iyo shalay
 
Waxaana haatan jirta cabsi wayn oo laga qabo in mar kale ay soo cusboonaadaan rabshadaha ay dhigayaan taageerayaasha hoggaamiyaha SPLA oo 9-kii bishii aynu soo dhaafnay loo magacaabay in uu noqdo madaxweyne ku xiggeenka dalka sudan
 
Madaxwaynaha Sudan Cumar Hassan Al-Bashiir ayaa maalintii shalay ahayd ku soo roggay magaaladda Khartuum Bandow la sheeggay in uu socon doonno muddo 24-saacadood ah,Waxaanna dadwaynaha loo sheeggay in ay baaqi ku ahaadaan guryahoodda
 
Madaxweyne ku xigeenka dalka sudan ahaana hoggaamiyaha Jabhadda SPLA ee ka dagaalanta koonfurta dalkaasi ayaa la sheeggay in uu ku geeriyooday shil diyaaradeed galabnimadii Sabtida,Sida ay sheeggeen saraakiisha qaramadda midoobe ee ku suggan koonfurta dalka sudan maalintii shalay ahayd, Waxaanna hatan socoda baaritaan la xiriira sababta keentay bur-burka diyaaradda uu ku geeriyooday hoggaamiyihii SPLA iyo 12 xubnood oo markaasi la socday diyaaraddii bur-burtay
 
Sikastaba ha ahaatee madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo maalintii shalay ahayd kala hadlayey shacabka reer kenya Tefishinka dawladda ay leedahay ayaa sheeggay in muddo sadex maalmood ah hoos loo dhigo calanka kenya taasi oo si rasmi ah uga bilaabatay dalka kenya maalintii shalay ahayd
 
Madaxweyne kibaki iyo madaxweynihii horre ee kenya ayaa waxay ka taariikheeyeen Hoggaamiyaha SPLA ahaana madaxweyne ku xigeenka dalka sudan wax ka yar sedex asbuuc oo qura,Waxayna mas"uuliyiinta kenya sheeggeen halgankii dheeraa ee uu soo galay hoggaamiyaha jabhadda SPLA John Grand
 
Waxaa mar-qura la joojiyey dhammaan barnaamijyaddii ka bixi jiray tefishinadda kenya,Waxaanna tan iyo xalay laga faaloonayey taariikhdii uu lahaa Madaxweyne ku xigeenkii geeriyooday,Mas"uuliyiinta kenya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha ayaa waxay tacsi gaarsiiyeen dhammaan shacabta reer sudan Iyagoo ku tartansiiyey xukuumadda sudan in ay sii wado wadahadaladii ay la galeen dadka reer koonfureedka ah
 
Kumanaan kun oo qof oo reer sudan ah ayaa shalay xireen dhammaan waddooyinka waawayn ee magaaladda nairobi,Waxaanna guud ahaan laga dareemayey dalka kenya geerida halgamaaga ee John Grang
 
Mursal Quulle RSTV Xafiiska Nairobi