|
Cadde muuse oo sheegay inuu wadahadal la gelayo C/llaahi yuusuf
Wararka ka imaanaya maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxweyanaha
maamul goboleedka Puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi uu shaaca ka qaaday
inuu wadahadal xaldoon ah la gelayo dhowaan Madaxweyanaha Soomaaliya C/llaahi
Yuusuf Axmad.
Cadde muuse ayaa sheegay in wada xaajoodkoodu uu ku saabsan yahay
heshiisyadii ay la galeen Shirkadaha shisheeye ee dhowaan madaxda sare ee
Dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegeen in iyagu ay yihiin cidda la
xisaabtameysa isla markaasina geli karta heshiisyada Caalamiga ah.
Jananka ayaa si cad u sheegay in uu madaxweyne Yuusuf kula kulmayo Dalka
Imaaraadka Carabta marka uu ka soo laabto dalka Mareykanka oo uu haatan ku
sugan yahay, waxaana uu muujiyay inuu diyaar u yahay xalka arintan ku
saabsan, hase ahaatee waxaa uusan meesha ka saarin in maamulka Puntland uu u
madax banan yahay Qeyraadka gudihiisa ah, isagoo intaa ku daray in waxa ka
soo baxa baaritaankan in Soomaaliweyn ay la qeybsan doonto.
Dhowaan ayay aheyd markii ra`iisal wasaaraha dowladda fedraalka iyo
madaxweynuhu ay shaaca ka qaadeen in baaritaanka Shirkadaha Caalamiga ah ee
puntland ay heshiisyadooda leedahay dowladda dhexe, iyadoo qaar ka mida
maamulka Puntland ay ka bixiyeen jawaab kulul, taasoo aheyd in Ra`iisal
Wasaare Geedi uu raaligelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray, waxaana ay
tilmaameen in maamulka Puntland uusan cidna uga heybeysaneyn arimahooda
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|