|
Cismaan caato oo ku sheegay qaraxii lala beegsaday Geedi in uu ahaa mid ay
ka dambeeyeen dad lacago ku lahaa
Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta dawlada fedraalka Cismaan xasan Cali
Caato ayaa ku tilmaamay qaraxii weerar ee loo geystay Ra'isulwasaare Geedi
xilli uu yimid magaalada Muqdisho inaanu geysan qaraxaasi dadka reer
Muqdisho, isagoo intaasi ku daray qaraxaasi in aanu aheyn mid siyaasadeed oo
ay ka dambeeyeen dad deymo ku lahaa Ra'isulwasaare Geedi.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryaynta dawlada fedraalka Cismaan Caato ayaa
dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay hindisaha nabadeed ee uu ku baaqay
wasiirka dib’udhiska iyo dib’udajinta Barre Hiiraalle ee ku saabsan in lagu
dhameeyo khilaafka dawlada ku kala qaybsan Muqdisho iyo jawhar balse aysan
cid gaar la soo Xambaarsanin si duu yiri Caato.
Cismaan Caato ayaa su’aal laga weydiiyay Sida uu u arko aragtida
siyaasadeed ee IGAD ee ku wajahan soomaaliya, waxa uu sheegay ineysan IGAD
waxba ka quseyn Somalia isla markaana loo baahan yahay in soomaaliya
arimaheeda loo daayo.
Wasiirka Hawlaga guud Cismaan Caato oo wareysi dhinacyo badan taabanaya
siiyay Idaacadda RSTV ayaa waxa uu kaga hadlay Aragtidiisa Siyasadeed ee ku
Aadan maamulka shalay Muqdisho ay ku ansaxiyeen Xubnaha dawlada fedraalka
garabka Muqdisho,isaga oo sheegay in Maamulo kala duwan ay soo mareen
Gobolka balse ay guuldareysteen markii laga weecday dhabihii saxda ahaa waa
siduu hadalka u dhigaye balse mid iminka ay ansixiyeen uu yahay mid loo
maray wadadii saxda aheyd ee ay beelaha gobolka ku wada dhan yihiin,dhismaha
dhaqaalle iyo Mida amnigana ayuu kau timaanayo dadka Gobolka.,wayna naga
go’an tahay inuu meel mar noqdo maamulka gobolka banaadir.
Cismaan Caato ayaa sidoo kale ka hadlay Edeymaha had iyo goor ay ku
celceliyaan garabka Jawhar ee ah in aan muqdisho amaan aheyn taasi ayuu
xusay in nidaamka looga bixi doono.
muxyadiin cali jimcalle jauula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|