Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

        Dad ku dhintay Caano sumaysan

Labo Caruur ah ayaa xalay degmada Afgooye ugu geeriyoodafy caano ay cabeen oo la sheegay in ay sumeysnaayeen, iyadoo 17 kalena xaaladooda ay aad u liidato.

Labadan caruurta ah oo ku geeriyootay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye ayaa la sheegay in da'doodu ay u dhaxeyso 9-13 sano jir sida uu saxaafada u xaqiijiyay cabdiyow Elaay oo ehel la ah caruurta geeriyootay.

Caanahaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo laga leenay tuulooyinka ku dhow dhow degmada Afgooye, iyadoo xiligaan roobab ay ka da'ayaan degmada Afgooye.

Dhacdadaan ayaa ah tii 2aad oo mudo 3 maalmood gudahood ah oo ka dhacda degmada Afgooye, iyadoo maalin ka hor caano ay cabeen ay ku sumoobeen 3 ruux oo la dhigay isbitalka degmada Afgooye.

Caanaha ay ku sumoobayaan dadka ayaa ah mid isi soo tareysa mudooyinkaan dambe, iyadoo dadka xoolo dhaqatada ah ay sun mariyaan xoolaha marka ay roobabka da'aan si ay ugala dagaalamaan cudurada ay ka mid yihiin gosha.

Dhowaan ayay aheyd markii dad ku noolaa tuulo ka tirsan magaalada B/weyne hilib ay cuneen ay ku sumoobeen, iyadoo dhowr ruux ay ku geeriyootay halkaa

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya