Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
        Kooxo hubeysan oo dilay shiikh caalim ah oo Muqdisho ku dhaqnaa.
 
xalay salaadii cishaha ka dib ayaa kooxo ku hubesneyd hubka fudud waxa ay weerar ku qaaden gaari ay saarnaayeen culumaa'udiin si weyn loo qadarin jiray gudaha magaalada Muqdisho .
dablaydan ayaa darawalkii ka dalbaday in uu joojiyo gaariga si ay waxa ay doonaan u fushadaan ayagoon cid kale wax gaasiin balse darawalkii ayaa isku dayay sida wararku ay sheegayaan inuu baxsado ka dibna dablaydii ay rasaas xoogan ku furtay gaariga taasoo sababtay in mid ka mid ah culumadii gaarigaa saarneyd uu ku geeriyoodo rasaaseyntaasi saddex kalena ay ku dhaawacmaan .
 kooxaha weerarka fuliyey ayaa la sheegayaa sida ay xaqiijinayaan wararka laga he;ayo goob joogayaasha in ay wateen maskaro oo ay wejiga kusoo duubteen si aan loo garan ka dib markii weerarkii ay fuliyeenna ay carareen .culamadii ku dhaawacantay weerarkaasi ayaa lagu waramayaa in la dhigay cusbitaaladii halkaa ka dhaweyd waxaana la sheegayaa in dhaawacoodu uu kasoo reynayo.
lama garanayo wax yaabaha dhabta ee ka danbeeya dilka caalimkan oo maamule ka ahaa iskuulka Almarwaazi ahaana imaamkii iyo khadhiibkii masjidka Abii Hureyra ee ku dhawaa suuqa weyn ee bakaaraha.ninkan caalimka ah ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Muumin Haaruun waxaana xilligii la weerarayey gaariga uu ku sugnaayeen xaafadda Xamar jadiid ee ka tirsan degmada Wardhiglay ee magaalada Muqdisho.
 
dadka deegaanka iyo guud ahaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa isweydiinaya sababaha loo dilay caalimkan waxaana durba soo baxaya in falkan uu la xiriiro falal baryahanba lagu beegsanayay culumada iyo wax garadka ku dhaqan magaalada muqdisho .
 
mana ahan markii ugu horeysay ee la dilo nin Shiikh ah laakiin waxaa jirta culumo horey loo dilay oo ilaa iyo iminka aan la garanayn wixii loo dilay .
 
Maxamed Cadde.
Rochester Somali TV Muqdisho.