Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Burcad badeedii haysatay seddax markab oo ku afduuban xeebta Kooyaame ee magaalada Kismayo ayaa kasoo dabcay madax furashadii ay horey u dalbadeen.
 
Wararka ka imanaya jaziirada Kooyaame oo ka mid ah jaziiradaha ku yaalla xeebta magaalada Kismayo ayaa sheegaya in burcada badeeda Soomaaliyeed ee afduubka u haysata maraakiib seddax ah oo laga leeyahay wadanka Shiinaha ay kasoo dabacday mowqifkii hore oo ahaa in markab kasta laga siiyo lacag madax furasho ah oo gaareysa 500,000 $ .
 
Kooxahan ayaa la tilmaamayaa in haatan ay doonayaan in markab ka sta laga siiyo lacag gaareysa 50,000 $ taa si aad ah uga yar lacagihii hore ay u dalbadeen.Soo dabcida burcadan ayaa timid ka dib markii ay dadaal xoogan bixiyeen wadamada ay kasoo jeedaan dadka lagu dhex haysto maraakiibtan oo tiradoodu ay gaareyso 48 oo  u kala dhashay wadamada Shiinaha ,Taywan ,Filipine ,Fiyadnam iyo Induniisiya .
 
Wadahadallo ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay socday ayaa la isla gartay in lasii daayo dadka oo aan wax waxyeello aan loo gaysan taa badalkeedana la meel mariyo dalabaadka burcadan.
 
Waxaa jira warar sheegaya in wafdi ka socda xukuumada Taywan ay soo gaari doonaan wadanka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan wadahadalada la doonayo in lagu sii daayo maraakiibtan iyo dadka saaran.Wargeys kasoo baxa Maraeykanka oo arintan wax ka qoray ayaan sheegin halka marka hore ay wafdigan imanayaan .
 
Maraakiibtan seddaxda ah ayaa laga afduubtay xeebta magaalada Kismayo 16-kii bishii lasoo dhaafay xilligaasoo ay howlo kaluumaysi ah ka wadeen xeebaha gobolada Jubooyinka.
 
 
Maxamed Cumar Sheekh .
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.