Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xuseen Caydiid oo ku tilmaamay Burcad badeedka Moomaliya inay yihiin Maleeshiya reer Puntuland

Ra’isulwasaare K/xigeenka dowladda FS ahna wasiirka arimaha gudaha ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo maraakiibta lagu heeysto xeebaha Somaliya

Wasiirka arimha gudaha ahna R/wasaare ku xigeenka DFS Xuseen Ceydiid oo maanta shir Jaraa;id ku qabtey xarunta Villa Soomaliya ayuu kaga hadlay afduubka xeebaha Soomaaliya loogu heeysto xeebaha Somaliya iyo Mashruuc la xiriira joojinta isticmaalka Miinada dalka Soomaaliya.

Eng, Xuseen ceydiid oo shirkiisa Jaraa’id si weyn uga hadlay afduubka xeebaha Somaliya loogu geeysto maraakiibta ayaa waxa uu xusay in dowladda Ukraine ay isagu xiriir kala soo sameysay Markabka laga leeyahay wadanka Ukrain ee wata Calanka Malta ee afduubka loogu heysto xeebaha puntlan, isagoo ku baaqay in si shuruud la’aan ah oo deg deg ah lagu sii daayo markabkaasi.

Xuseen Ceydiid ayaa intaasi raaciyay burcad Badeedka dhibaatada ka wada xeebaha Somaliya ay intooda badan ay yihiin reer Puntland oo heeysta buu yiri doonyo dheereeya oo saaran Qoryo culus.

Ra’isulwasaare K/xigeenka dowladda FS ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Max’ed Ceydiid ayaa sidoo kale sheegay in Miino ka badan 3 kun ay ku wareejin doonana saraakiil ka tirsan Q.M maalinta berri ah magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah buu yiri heshiis uu isbaheysiga SNA horey u saxiixay isla markaana hadda dowladda FS uu isagu mas’uul uga yahay joojinta isticmaalka Miinada isagoo tilmaamay in Hogaamiyeyaasha kala ah Qnayer, Muuse iyo Gen.Morgan oo aan horey u saxiixin heshiiskaasi ay hadda saxiixayaaan joojinta miinada ee Geneva Convention.


Xuseen Ceydiid oo sheegay in uu madax u yahay mashruuca joojinta isticmaalka Miinada sheegayna in uu wareejinayo miino fara badan ayaa magaalada Muqdisho ku heeysta maleeshiyooyin hubeysan, taangiyo iyo beebayaasha dagaalka isla markaana aanu maleeshiyadiisa u xareyn garabyada dowladda ee kala dagan Muqdisho iyo Jowhar.

Miinada ayaa inta badan waxa ay gacanta ugu jirtaa maleeshiyo beeleedyo iyo ganacsato aan si toos ah u hoos imaan siyaasada Hogaamiyeyaasha iyo dowladdaba, taasina ay yareyneyso in si guud ahaan wax looga qabto isticmaalka Miinada dhulka la dhigo

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmil.com

muqdisho somaliya