Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kooxo burcad ah oo dadka waxyeelo u gaysta dadka safarka ah oo ku soo batay inta u dhaxeysa B/weyne iyo Tayaglow.
Burcad dadka waxyeelo u gaysta ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo badanayaan inta u dhaxeysa magaalooyinka B/weyne ee gobolka Hiiraan iyo Degmada Tayaglow ee gobolka Bakool.

Gaadiidleyda isaga kala gooshta gobolada Hiiraan iyo Bakool ayaa iyagu cabasho weyn ka muujiyay isbaarooyin bilqan ah oo gaaraya ilaa 14 jidgooyo oo la soo dhigay wadada u dhaxeysa magaalada B/weyne iyo degmada Tayaglow.sida uu saxaafadda u sheegay mid ka mid ah gaadiidleydaasi oo ka gaabsaay in la shaaciyo magaciisa.

Waxa uu intaasi ku daray in isbaarooyinkaasi ay u dheer yihiin kooxo burcad oo uu sheegay in ay soo galaan marar ka qaar wadada, kuwaaso oo uu ku tilmaamay in ay waxyeelo u geeystaan rakaabka iyo gaadiidka, mana jiraan cid isku xilsaartay in ay wax ka qabato cabashooyinkeena ayuu intaasi sii raaciyay. Arintaan ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka isaga kala gooshta gobolada Hiiraan iyo Bakool, mana ahan markii ugu horeysay oo kooxo burcad ah oo dadka waxyeelo u gaysta dadka laga soo sheego wadooyinka isku xira gobolada Bakool iyo Hiiraan.



Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Muqdisho

Jakuula@hotmail.com