| Booliska
Degmada Jowhar ee maamulka Max’ed Dheere ayaa saakay gacanta ku soo dhigay
Haweeney 30 jir ah oo iyadu qudha kaga jartay canug ay dhashay.
Sida uu RSTV u sheegay Gudoomiyaha Degmada Jowhar Canshuur Cali Nuur ayaa
waxa uu xaqiijiyay in Haweeneyda Dishay canugeeda ay gacanta ku soo dhigeen
ciidamada Booliska Degmada,wuxuuna sheegay in haweeneyda canugeeda dishay uu
dambiga ku cad yahay kadib baaritaan lagu sameeyay.
Haweeneyda dishay canugeeda ayaa la sheegay in ay habeenimadii xalay ay
qudha kaga jartay,lamina garanayo sababaha dhabta ee ay u dishay canugeeda.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Nuurto Max’ed waxaana lagu wadaa in maalmaha
soo socda la soo tssgo maxkamad
Muddo iminka laga joogo labo bilood ayaa waxa uu Booliska Degmada Jowhar
gacanta ku soo dhigay haweeney iyadu canug ay dhashay laamiga ku
tuurtay,sababta ay isaga tuurtayna ku sheegtay inuu yahay canug aan aabo
laheyn.
Sidoo kale waxaa dhowr bilood ka hor wadada weyn ee magaalada Jowhar
iyana lagu arkay canug aan la garaneyn cida dhashay,oo dhex yaala wadadaas
oo deris la ah wabiga shabeele,waxaana canugaas lmasuuliyadiisa la wareegtay
haweeney reer Jowhar,isla markaana Maamulka Gobolka Sh/Dhexe uu gacan ku
siiyay barbaarinta canugaas laga helay wadada
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
muqdisho somaliya
jakuula@hotmail.com |