Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Booliska gobolka Hiiraan ayaa ka biya diiday inuu la shaqeeyaan taliyaha booliska gobolka Hiiraan ee dhowaan loo soo magacaabay.

Ciidamada Bilayska ayaa waxa ay cadeeyeen in Max’ed Max’uud Garaar oo dhowaan loo soo magacaabay taliyaha booliska gobolkaasi uusan horey uga mid ahaan jirin ciidankii booliska Soomaaliyeed balse uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta degmada B/weyne, taasina waxaa ka dhalatay in booliska ay diidmo cad ka muujiyeen la shaqeynta mas’uulkan cusub.

Kulan la doonayo in lagu xaliyo diidamadan ka timid booliska gobolka Hiiraan ayaa shalay ilaa maanta ka socotay Hotel Hiiraan ee degmada B/weyne, kulankaasi oo u dhaxeeya gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo booliska gobolka Hiiraan ayaa ilaa iyo haatan aysan ka soo bixin wax war ah.

Khilaafkaan cusub oo aad uga duwan muranadii hore oo ku saleysnaa qabiilka ayaa xubnaha booliska waxa ay ku andacoonayaan in qofka noqonaya taliyaha booliska uu ka dhex yimaado ciidankii hore ee booliska Soomaaliya.

Mana ahan markii ugu horeysay ee is qabqabsi ku yimaada maamul u sameynta gobolka Hiiraan

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya