Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Booliska Britain oo beeniyay in ay xoog ku galeen guryo ay ku nool yihiin Soomaali eedeysanayaal ah.

Booliska dalka Britain ayaa waxa ay beeniyeen inay qaadeen howlgal ay xoog ku galeen guro ay ka degan yihiin dad Soomaali ah oo ku nool deegaanka Birmingham oo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin dilkii Sarkaaladii Booliska Britain ka tirsaneyd ee la qaarijiyay muddo iminka laga joogo in kabadan hal todobaad.

Booliska ayaa waxa ay ku baahiyeen Magaalada London sawirada sadax ruux oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen dilka Sarkaaladda lagu magacaabi jiray Sharon Benishinifiskaay oo 38 jir ah iyo dhaawaca loo geystay saaxiibadeeda Tariiza Melborn oo 37 jir ahaa oo lagu weeraray xilli deegaanka Beeradford muddo 10 cisho ka hor ay baadi doon ugu jireen fal xatooyo ah oo halkaasi laga geystay.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen inay arkayeen dad ku dhow ilaa iyo sideed ruux oo asalkooda Soomaali ah oo guryaha ay kala soo baxeen Booliska Britain , waxaana la shaaciyay in dadkaasi Soomaalida gacmaha looga xiray katiinado , wajiyadana loo qariyay .

Goob joogayaal kale ayaa waxa ay sheegeen in Booliska howlgalkani ka qeybqaatay ay ahaayeen kuwo uu u xirnaa Jakaadaha xabadda celisa , ayna ku socdeen in ku dhow 15 gawaarida Booliska ay adeegsadaan , ayna halkaasi ka kaxeysteen afar nin oo garbaduub ay u xireen iyo ugu yaraan laba haween ah oo wajiyada loo qariyay.

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com