Xafladda dib loogu furayay Safaradda Biljimka ayaa waxaa ay ka dhacday
dhismaha Xarunta Dowladda ay ku leedahaya degmada Jowhar .
Gudaha xarunta ay xafladda ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Xubno badan
oo ka tirsan Dowladda FS iyo Haweeneyda Safiirada ka noqoneysa Safaaradda
Cusub ee Biljimka uu ku yeelanayo Magaalada Jowhar Mss. Kiristiino Abuno
Smober ayaa waxaa laga dhex suray Calanka Madowga , Huruuda iyo jaallaha ka
kooban ee Biljimka , iyadoo halka dhinaca kale uu ka surnaa Calanka baluugan
ee xidigta Shanta geesoodka leh ee Soomaaliya , waxaana heesta Calanka
Biljimka halkaasi ka garaacay kooxda Baambeyda qaranka Soomaaliyeed oo iyagu
dhowaan ka goostay xaruntii ay ku lahaayeen Muqdisho una guuray dhinaca
Magaalada Jowhar.
Markii ay dhamaatay xafladda ayaa waxaa xarunta Guriga Madaxtooyada ku
kulmay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Safiirka Cusub ee Biljimka ee
Soomaaliya Mss. Kiristiino Abuno Smober ayaa si rasmi ah ugu wareejisay
Madaxweyne Yuusuf Warqadaheeda Safiirnimo , waxa ayna sheegtay inay aad ugu
faraxsan tahay inay maanta ay joogo gudaha dalka Soomaaliya .
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isna kulankaasi ka sheegay inuu aad ugu
faraxsan yahay in dalka Biljimka uu noqdo dowladii ugu horeysay Safaarad dib
uga furata Soomaaliya muddo 15 sano ka dib marka laga reebo xafiisyada
Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ay ka furteen Magaalada Jowhar oo 90
KM dhinaca Waqooyi kaga toosan Caasimadda Soomaaliya