Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka K/xigeenka dhaqan celinta Maleeshiyaadka oo beeniyay in Saraakiil Itoobiyaan ah ay joogaan Jowhar

Wasiir k/xigeenka Dhaqan celinta Maleeshiyaad ee Dowladda soomaaliya Xasan Isaaqa Yacquub "Gees Cadde"oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa gaashaanka ku dhuftay in sarkaalo Itoobiyaan ah ee jooga Jowhar aysan jirin.

Mr Gees Cadde ayaa xusay in Ciidamada u socda Tababarka ay tababarkooda ka qeyb qaadanayaan Ciidmaada Xooga Dalka,wuxuuna tibaaxay in aysan jirin sarkaalo Itoobiyaan ah oo ka qeyb qaata Tababarada u socda Ciidamada Qaranka. "waxaa halkan ku sugan maleeshiyooyin oo tababar u socda,waana ciidamo dhaqan celin lagu sameyn doono,wuxuuna tababarka u socon muddo 9bilood ilaa 6bilood.

Mr. Gees Cadde ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in qarashayada ku baxa ciidamada Tababarka u socda ay gacan ka geystaan Ganacsatada iyo Hey’ada UNDP oo iyadu gacan ka geysta hawlaha ciidamada Tababarka u socda,waxaana sidoo kale qarashyadaas gacan ka geysta Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin Wax la yiraahdo labo garab,taasoo uu ku sheegay in Dolwadda ay tahay hal ,muqdisho kuwa jooga waa Dowladda waxa ay u joogaan hawlaha Dowladda ayuu yiri Mr Gees Cadde.

Muxyadiin Cali Jimcaalle (Jakuula)

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya