| Bare
Hiire oo sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dadkii ka danbeeyey dilkii loo
gaystay Sarkaalkii Qaramada Midoobay
Wasiirka dib u dhisha iyo dib u dajinta Aadan ayaa waxa uu sheegay in ay
gacanta ku soo dhigeen ragii ka dambeeyay dilkii loo geystay Max'ed Muuse
Guraage, sharcigana horegeyn doonaan ka dib hadal uu u jeediyay saxaafadda
Munaasibadda ciida OWgeed oo uu kaga hadlay arimaha nabadgalyada,
waxbarashada iyo samafalka.
Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda FS ahna
Gudoomiyaha isbaheysiga D/jubba Col.Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa mar
uu ka hadlayay arimaha amniga gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada
Kismaayo ayuu sheegay in ay heystaan ciidamo ku filan isl amarkaana a
sugayaan amniga gobolada ay ka arimiyaan, isagoo sheegay cidii qal
qalgalisana ay talaabo ka qaadi doonaan.
Khubadaan ayuu wasiirka ka jeediyay meel fagaaro ah oo dadkay ay isugu
soo baxeen salaadii ciida ka dibi, iyadoo qoraal ahaan uu u aqriyay
Gudoomiye k/xigeenka 1aad ee maamulka Isbaheysiga D/jubba C/raxmaan Xaaji
Axmed Waldiire oo uu u wakiishay.
Barre Hiiraale waxa uu sheegay in ay caqabad ku noqotey dilkii loo
geystay 4 tii bishii la soo dhaafay Marxuum Guraae oo isagu ahaa nin
hay'adaha Q.M ugu qeybsanaa dhinaca amaanka, waxa uuna sheegay Hiiraale in
ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaashii dilkaasi geystay.
Mar uu ka hadlayay waxbarashada gobolka ayuu sheegay in ay ku
talaabsaneyso horumar, isagoo sheegay in jaamacad la dhagax dhigay
magaaladaasi dhameystirka dhismaheedana uu ugu baaqay ganacsatada in ay qeb
ka qaataan.
Barre Hiiraale ayaa ugu dambeyntii khubadiisa oo qoraalka aheyd ugu
baaqay shacbiga gobolada Jubooyinka in ay kala qeyb qaataan holwaha
horumarinta gobolada Juabooyinka.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|