Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta xukuumada Somalia oo Baraawe booqasho ku jooga.

Safarka uu maanta ku imaanaaday magaaladda Baraawe Guddoomiyaha isbahaysiga Dooxadda Juba Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa lagu warmayaa in u halkaa kula kulmi doono qaar ka mid masuuliyiinta Gobolka shabeelaha Hoose iyo xubnaha labad gole ee ku sugan magaaladda mqudisho isgaoo kala hadli doona wax yaabo badan oo ay ka mid yihiin arimaha ka dhex taagan xubnaha labada gole ee ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga dooxadda Juba Yuusuf Mire Seeraar oo ka mid xubnaha labada gole ee ku sugan magaaladda mqudisho ayaa ka mid masuuliyiinta dowladda uu la kulamayo Barre Hiiraale

Wararka qaar ayaa sheegaya in halkaa uu kula kulmii doono jen Maxamed Siciid Xirsi mooragan oo asna ku sugan sidoo kale Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha isbahaysiga dooxda Juba ahna wasiirka dib u dejinta iyo dib u dhiska dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia ayaa sidoo kale magaalada Baraawe kula kulmaya odayaasha deegaanka si ay isula soo qaadaan arimaha amaanka deegaankaasi iyo deegaanada gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka isbahaysiga dooxadda jubba Bile Cabdi Cabdulle( Bile Dheere) aya uu xaqiijiyay Rochester safarka uu ku tagayo guddooimyaha dagmada Baraawe oo uu ku sheegay in uu yahay mid uu ugu kuur galayo arimaha amaanka.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.