Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Barre Hiraalle oo ka dalbaday xubnaha Muqdisho inuu dhexdhexaadiyo iyaga iyo xubnaha ku sugan Jowhar.

Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta ku yeeshay hoteelka saxafi ee magaalada Muqdisho kulan ay ka qeyb galeen xubno dhowr oo ay ka mid yihiin Hiiraalle iyo Xaabsade.

shirkii maanta hotelka Saxafi ay ku yeesheen xubnaha labada gole ee dowladda federaalka ku meel gaarka ah ee Soamlia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in looga wada hadlayay xaalada wadanka iminka ka jirta .

Xubnihii maanta ka qeyb galay kulankii maanta ayaa waxaa k mid ahaa wasiirka dib u dhisk aiyo dib u dejinta dowlada ku meel gaarja ah ee Soamlia bare Aadan Shire oo ka dalbvaday xubnaha labada gole in ay u ogolaadeeen inuu ka shaqeeyo dhexdhexaadinbta xubnaha labada gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

'Waxaa xiriir ila soo sameeyey madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxa uuna iga codsaday in aan dhex-dhexaadiyo xubnaha labada gole ee dowladda federaalka, waxaan idinka codsanayaa in aan dhinaciina iga ogolaataan dhex-dhexaadinta " ayuu ka yiri wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire ) oo intaa kudaray in haddii aanan si degdeg ah loo soo afjarin khilaafka ka dhex taagan xubnaha labada gole ee dowladda federaalka in taasi ay keeno karto bur bur deg deg ah oo soo wajaha dowlada somalia.

Waxaana soo baxaya warar sheegaya in xubvnaha labada gole ay ka aqbaleen wasiirka codsiga uu usoo jeediyay .

Ma ahan markii ugu horeysay oo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta u soo jeediyo dib u heshiisiin in la dhex dhigo xubnaha labada gole.

Wafdi ka socday hay'ada afrikan care oo ka ambabaxay Kismayo.

Wafdi ka socday hay'ada lagu magacaabo African Care ee ka shaqeysa gargaarka iyo samafalka oo todobaadkan oo dhan ku sugnaa magaalada Kismayo ayaa maanta ka duulay garoonka magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wararka ka imanaya magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in wafdigaasi intii uu ku sugnaa gobolada jubooyinka ay booqasho ku tageen xarumo dhowr ah oo ku kala yaalla magaalooyinka Jubbooyinka,waxa ayna kulamo la yeesheen ururada bulshada rayidka ee ka shaqeeya wax barashada iyo ku simaha isbahaysiga dooxada Jubba .

Wafdigan ayaa u yimid magaalada Kismayo kormeerida qaabka waxbarasho ee ka jira Jubooyinka waxa ayna sheegeen in kaalin weyn ay ka geysan doonaan sare u qaadida wax barashada dhalaanka goboladan.

wafdigan ayaa waxa ay uduulleen magaalada Nairobe halkaasoo ay geyn doonaan waxyaabihii ay kala kulmeen Kismayo iyagoo hay'ada ay ka socdaan ku dhiiri gelin doono in kaalin ay ka geysato wax barida ubadka ku dhaqan Jubooyinka oo ay haysato wax barasho la'aanta.

ma ahan markii uguhoreysay oo hay'ado ka socda wadamo afrikan ay ay booqasho ku imaadaan Kismyo.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com .