Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Baarlamanka Britain oo sheegay in xanibaad lagu soo rogo ururka Al itixaad Soomaaliya

Wasiirka arimaha gudaha Britain Charles clark ayaa ka dalbaday Baarlamaanka dalkiisa in xayiraad lagu soo rogo ururada islaamiga ah iyo Ururka Al-Itixaad Al-Islaami oo ka jira gudaha wadanka soomaaliya , waxaana lagu eedeeyay Ururkan iyo 14 urur oo kale in xiriir weyn uu kala dhaxeeyo Ururweynaha Alqaacida ee uu hogaamiyo Osaama Bin Ladin .

Mr. Charles Clark ayaa ka codsaday xubnaha Baarlamaanka Britain in ay isla ogolaadaan qaabkii xayiraad loogu rogi lahaa 15 Ururo iyo Hey,ado Islaami ah oo safka hore ee diiwaankaasi uu ku jiro Ururka Al-Itixaad oo horey ugu xooganaa meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya , waxa uuna wasiirkani reer Britain uu tilmaamay halista ururada argagaxiso ay u leeyihiin amaanka dunida ka dib weerarkii London lala beegsaday 21kii bishii July ee sanadkan .

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arimaha gudaha Britain ayaa waxaa lagu sheegay in ay muhiimad weyn ku fadhido in laga hortago awooda argagaxisada iyo taageerayaashooda .

Wargeyska Al-Raaya ee ka soo baxa dalka Qatar ayaa waxa uu todobaadkii hore sheegay in Unugyo argagaxiso ah oo ka yimid dalalka Yemen iyo sacuudiga ay gaareen dalka Soomaaliya , waxaana wargeyska uu sheegay in xubno mayal adag oo islaami ah iyo kuwa argagaxiso ah ay bilaabeen in ay saldhig ka sameystaan Soomaaliya oo awooda dhexe ee dowladeed aaney ka jirin wixii ka dambeeyay 1991kii .

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya