| Baraawe oo
maanta uu ka furmay kulan wasiiro xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka kala tagay
Muqdisho, Kismaayo iyo gobolka Sh/hoose. Magaalada Baraawe ayaa maanta
waxaa ka furmay kulan dhexmaraya wasiiro xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka
kala tagay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo gobolka Sh/hoose.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka SH/hoose ayaa lagu
sheegay in looga hadlayo arrimo kala duwan oo quseeyo xaaladaha taagan iyo
arrimo la xiriira isbaheysiga, iyadoo sidoo kalena looga hadlayo
dhibaatooyinka ka taagan wadada weyn ee isku xirta Jubbooyinka iyo Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” oo
qadka Telfoonka HornAfrik ugu warramay ayaa sheegay in kulankaas uu socon
doono in ku dhow Toddobaad ayna soo xaadireen xubnihii muhiimka ahaa ee
kulankaas ka qeybgalayey.
Sidoo kale Yuusuf Indha cadde waxaa kale oo uu sheegay in kulankaas looga
hadlayo danaha guud ee ummadda oo dhinac walba quseeya.
Xubnaha soo gaaray magaalada Baraawe ayaa waxaa ka mid ah wafdi uu
hogaaminayo xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame oo ka yimid dhinaca magaalada
Muqdisho waxana ka mid ah xubnaha uu horkacayo xildhibaan Yuusuf Mire
Seeraar, Gen Joon Dhoore, Col. Nuur Xuseen “Nuur Daqsiin”, Salaad Cismaan
Rooble, Maxamuud Too Too iyo xubna kale oo ka tirsan dowladda fedraalka,
saraakiil iyo waxgarad kale.
Dhinaca magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka yimid wafdi uu horkacayo
wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta ahna guddoomiyaha isbaheysiga
dooxadda Jubba Barre Aadan Shire Hiiraale iyo taliyaha ciidanka Isbaheysiga
Maxamed Rooble Jimcaale “Goobaale.
Kulankan oo maanta furmay ayaa hoteelada magaalada Baraawe waxaa buux
dhaafiyey marti aad u badan oo kulankaas u timid magaaladana ay ka muu
qaneyso iney ka tiro badan yihiin dadka soo buux dhaafiyey
Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho Somaliya
|