Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Caawa oo  bandow habenkii ah lagu soo rogay magaalada Gaalkacyo kaddib falal dilal ah oo soo kordhay

Bayaan rasmi ah oo caawa fiidkii kasoo baxay maamulka gobalka Mudug ayaa lagu sheegay  in bandow habeenkii ah lagusoo rogay magaalada Gaalkacyo,kaasoo aaan la sheegin ilaa iyo inta uu dhaqangalka ahaandoono.

Tallaabadan bandow soo rogista ah  ayaa kussoo beegmatay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay falal dilal ahi ay ka dhacayeen deegaanno ka tirsan goballada maamul gobaleedka Puntland uu ka taliyo .
 Tallaabadn uu maamulka gobalka Mudug ku dhaqaaqya maanta ayaa timid saacado kaddib markii nin nabad doon ahaa lagu dilay inta u dhexeysa  dhismaha shirkadda Goolis iyo xarunta maamulka gobalka Mudug. Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Tinle ,waxaan uu ka mid ahaa nabaddoonnada sida aadka ah looga yaqaan gobalka Mudug,waxaan in badan uu ka qeyb qaatay xallinta mashaakilaad ka jiray gobalka Mudug.

Nabadoonka la dilay  ayaa dilkiisu yimid waxyar uun kaddib markii u kasoo baxay masjid uu kusoo gutay waajibaadka salaadda casar,markaasoo ni hubeysani uu ugu yimid lamiga dacalkiisa oo uu taagnaa ,waxaana xabbad uu kaga dhuftay madaxa iyadoo markii u dhulka ku dhacayna uu 3 xabbadood oo kale ku dhuftay .

 Waxaa arruntan lala xiriirinayaa aano qabiil oo u dhexeysa labo ka mida beelaha wada daga dhinaca waqooyi ee gobalka Mudug,waxaana ay kusoo beegmatay iyadoo maalintii shalay hal qof lagu dilay mid kalana lagu dhaawcay meel dibadda ka ah dhabbaha diyaaradaha ee mGaalada Gaalkacyo.

 Maanta ayaa ciidammada poliska magaaladu waxaa ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan 3-dii nine e geysatay falkii shalay dhacay ,waxaan ay kasoo qabteen tuulada la yiraahdo Bursaalax oo ka tirsan gobalka Mudug gaar ahaanna dhinaca waqooyi

 Falka dilka ah ee maanta ka  dhacay  magaalada Gaalkacyu ayaa kusoo beegmay iyadoo habeen hore laba nin ay isku dileen toorrey magaalada Garowe kaddib markii ay ku murmeen dooxo caws oo ku taala duleedka magaalada Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland.

 Sidoo  kale waxaa  dhacdooyinkan oo dhami ay imanayaan iyadoo maalintii  Khamiistii golaha wasiirrada ee mamul gobaleedka Puntland uu ku qaatay  go’aamo badan oo dhinaca ammaanka la xiriira .

 Kulankaasoo  uu shirguddoominayay madaxweynaha maamul gobaleedka Punt land general Cadde Muuse Xersi ayaa lagu go’aamiayay in qofkii qof dila la dilidoono ,iyadoo islamarkaana wax badan laga baddali doono xaaladaha nabadgeliyad goballada uu ka taliyo maamul gobaleedka Puntland iyadoo muhiimmadduna ay tahay in wa laga qabto ammaandarrida soo korodhay.

 Maxamed Cumar Sheekh (cadde) RSTV Muq

 cadde_8@hotmail.com