Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Safiirka talyaaniga ee Soomaaliya Maria refeli ayaa maanta ka dhacay Fagaaraha tarabuunka ee magaalada Muqdisho ,iyadoona la gubay sawirkii danjiraha talyaaniga.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka banaadir iyo weliba ardayda wax ka barata dugsiyadda magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lagu gubay sawirka Safiirka talyaaniga u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Maxamad Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xilligan dowladda talyaanigu aysan dhexdhexaad ka aheyn arimaha Soomaaliya, isagoo sheegay in safiirka talyaaniga u jooga soomaaliya, inuu yahay shaqsi caado ka yeeshay burburinta nidaamkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaana uu tusaale u soo qaatay xilli uu Safiirka Talyaanigu ka sheegay magaalada jowhar inay dhamaatay dib u heshiisiintii Soomaaliya, loona baahan yahay in taageero la siiyo dowladda federaalka soomaaliya.

Cismaan Xasan Cali Caato oo isna ka mid ahaa Mas`uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulankii Banaanbaxa ahaa ee loga soo horjeeday sfiirka talyaaniga ayaa ku hanjabay inay xiriirka u goyn doonaan Dowladda Talyaaniga, haddii buu yiri, aaney wax ka qaban falalka guran ee uu safiirkoodu ka wado gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Mudanayaal farabadan waxaana dhamaantood ay sheegeen inaan loo baahneyn waxa ay ku sheegeen faragelinta qaawan ee dowladda Talyaaniga Safiirka u jooga Soomaaliya uu ka wado gudaha Dalka, waxaana ay xuseen in haddii dowladda Talyaanigu aysan ka baaqsan hagardaamada uu wado Danjiraheegu ay ka qaadi doonaan talaabo ku haboon.

Fagaaraha Tarabuunka oo uu ka soconayay banaanbaxi ayaa maanta waxaa ay aheyd meel amaankeeda si weyn loo adkeeyay kadib markii Ku-xigeenka arimaha Nabadgelyada ee gobolka Banaadir Dhagaxtuur uu saxaafadda muqdisho ka sheegay inaan goobtaasi lagu qaban karin wax banaanbax ah, qabashada banaanbaxaasina ay mas`ulliyadeeda qaadayaan cidii dadka isugu yeertay, hase ahaatee dhagaxtuur ayaan ka soo xaadirin goobta uu banaanbaxu ka dhacayay, iyadoo sida la sheegay maliishiyaadkii uu watay iyo qaar ka amarqaata Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow ay iskaga hor yimaadeen deegaan Barmuuda oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee Dhagaxtuur ayaa si cad uga soo horjeestay iska horimaadka isaga iyo muuse suudi dhexmaray, waxaana uu sheegay inuu mashquul ku ahaa la kulanka ciidamada booliiska ee degmada waaberi ee magaalada muqdisho.

Banaanbaxan ayaa dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho waxaa ay ka muujiyaneen walaac xooggan kadib markii xubnaha labada gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar ay isku qilaafeen qabsoomidiisa.

muxyaddiin cali jimacaale jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somalia