Maanta
ayaa fagaaraha Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dibad bax
balaaran oo looga soo horjeedo xariga loogu geystay dalka Sweden Col. Cabdi
Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ay ka soo qeybgaleen maamulkii hore ee Gobolka
Banadir ee Dowladii Carta iyo saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Banaanbaxaan oo saraakiisha Booliska iyo maamulkii hore ee Gobolka
Banadir ay ka soo abaabuleen Xarunta CID ee Muqdisho ayaa waxa ay ku soo
bandhigeen Fagaaraha Tarabuunka sida ay uga xunyihiin xariga Cabdi Qeybdiid
lala beegsaday magaalada Lund ee wadanka Sweden, iyagoo xarigaasi ku
tilmaamay mid sharci darro ah.


Mid ka mid ah Saraakiisha sar sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo
lagu magacaabo G/sare Cismaan Muumin Axmed oo ugu horeyntii ka hadlay
banaanbaxa ayaa xaqiijiyay in booliska Soomaaliyeed ay ka xun yihiin xariga
loo geystay Qeybdiid uuna yahay mid xaq darro ah oo ay kula kacday
xukuumadda Sweden sarkaal Boolis Soomaliyeed ah, isagoo xusay Cabdi Qeybdiid
in uu yahay ka dib burburkii xukuumadii Max’ed Siyaad Barre shaqsiga kaliya
ee dib u soo nooleeyahay Booliska Soomaaliyeed oo dib uga howl bilaaba.
Duqii hore ee magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo isna
ka hadlay banaanbaxaan ayaa waxa uu sheegay in uu yahay xariga Cabdi
Qeybdiid mid laga abaabulay gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada
Jowhar oo garab ka mid ah dowladda ay xarun u tahay hadda.
Ibraahim Shaaweey waxaa kale uu sheegay xariga Cabdi Qeybdiid in uu yahay
mid gardarro ah oo lagula kacay Mas’uul Soomaaliyeed oo howlo shaqo u aaday
wadanka Sweden.
Banaabaxaan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyahii hore ee Gobolka
Banadir C/laahi Xasan Ganaey Firinbi iyo mas’uuliyiin kale oo dhamaantood
xusay in aysan munaasab aheyn nin mas’uul ah dal safar uu ku tagay in lagu
xiro, taasina uu ku tilmaamay in ay tahay wax lala yaabo oo meel ay ka soo
galeyso xeerarka caalamka aysan jirin.
Firimbi ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada looga
soo horjeedo xariga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, isagoo xusay in maalinta
berri ah la isugu imaan doono banaanbaxyo kale oo ay ka soo qeybgalayaan
ururada Bulshada, Ganacsatada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Banaanbaxaan ayaa ku soo beegmay xilli maalin ka dib markii Cabdi
Qeybdiid ay ciidamad Booliska dalka Sweden ay kala baxeen Hotel uu la
daganaa Gudoomiyaha Baalamanka iyo wafdigiisa.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula