Degmada Balcad oo maalinta Axada Ka dhici Doona Kulan
lagu aas aasi doono Isbaheysi Cusub
Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa waxa ay
sheegayaan in Maalinta Axada uu Degmadaas ka dhici Doono shir ay isugu
imaan doonaan kooxihii Dagaal ogayaasha ahaa ee noqday Wasiirada,wararka
ayaa waxa ay intaas ku darayaan in shirka ka dhici doona Degmada Balcad uu
dhameystir u yahay shirka Mudada sidaxda Maalmood uga socday Degmada
Baraawe beelaha Ceyr iyo Mareexaan.
Shirkan lagu wado inuu maalinta Axada ka dhaco Degmada
Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa la filayaa in Isbaheysi Cusub laga
dhawaaqo,iyadoo hore Degmada Balcad looga Dhwaaaqay Isbaheusi la yiraahdo
Golaha Samata Bixinta Qaranka oo uu gudoomiye u ahaa Wasiirka Ganacsiga
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.
Degmada Balcad ayaa ah Goob ay gacanta ku hayaan
Maleeshiyo ka amar qaata Wasiirka ganacsiga Xaaji Muuse Suudi,waxaana
dhowr jeer uu baaqasho ku yimid kulanka lagu dhawaaqay inuu Degmada Balcad
ka qabsoomo,iyadoo qabsoomidiisa kulanka uu dhowr jeer hakad ku yimid.
Shirka la filayo in maalinta Axada ka dhic Degmada
Balcad ayaa la sheegay in ay kasoo qeyb gali doonaan Xubnaha Labada Gole
ee muqdisho jooga oo ay ku jiraan wasiirada hubeysan ,waxaa kaloo kulanka
maalinta Aaxada kasoo qeyb geli doona Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo
ah Wasiirka Dib u Dejinta, Xildhibaan Xaabsade oo isagu gacanta ku haya
Magaalada Baydhabo iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Sheekh Yuusuf
Indhacadde.
Shirka lagu wado inuu ka qabsoomo Degmada Balcad ayaa
waxaa lagu tilmaamay siyaabo badan taasoo ay ku sheegeen xubno ka tirsan
Beelaha u dhashay dega Degmada Balcad inuu huri doono dagaal qaraar oo
faraha looga gubta.
Wasiirka Amniga Qaranka oo saakay saxaafada u waramay
ayaa sheegay inuu dhici doono shirka maalinimada Axadda ah, isagoo sheegay
inaaney jiri karin cid is hortaagi karta kulamadooda, waxuuna tilmaamey
iney kasoo qeyb gali karaan qeybaha bulshada oo dhan shirkaasi.
Dadka odarasa siyaasada Soomaaliya ayaa waxa ay
sheegeen in kulanka ka dhici doona Degmada Balcad uu noqon doono shir lagu
aas aasi doono Isbaheysi cusub,kaasoo muhiimadiisa tahay in gobolo badan
la isku xero oo maamul goboleedloo sameeyo.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakula
jakula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya