Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Baladweyn oo noqotay xarunta ugu  weyn  ee ciidamada Xoogga dalka  iyo wafdi Xasan Abshir uu horkacayo oo gaaray Garoowe

 Wasiirka wkalluumeysiga iyo kheyraadka badda  dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa  maanta ka warbixiye xarumaha ugu waaweyn ee ay dagayaan ciidammada dowladda fedraalka  ku meel gaarka ah ee Soomaaliaya .

Xasan Abshir Faarax  oo ah horkacaha  wafdi wasiiro iyo xildhibaano isgu jira oo xalay  soo gaaray  magaalada gaal kacyo ayaa dadweyne isugu yimid garoonka kubada lagu  cayaaro ee magaalada Gaalkacyo uga warbixiyey  arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneyd  siyaasada dawlada federaalka kmg ah ee Somaliya

 Xasan Abshir inta aanu halkaa ka hadlin  waxaa halkaasi  hadal ka jeediyay duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq iyo guddoomiyaha gobalk Mudug  Maxamed Warsame Cabdullr (Jabhad)  oo  labaduba wafdiga dowladda uga warbixiyay xaaladda gobalka iyo waliba taageerida shacabka gobolka ay u hayaan dawlada cusub ee Somaliya.Xasan Abshir Faarax  oo dadka la hadlay ayaa waxaa kaloo uu ka warbixiyay muhiimmadda wufuudda dowladda loogu kala diray goballada ay  u dhasheen waxa  uuna sheegay in muhiimmadda ugu weyn ee socdaalka wufuudan uu yahay ka dhaadhicinta shacabka gobolka sidii ay u taageeri lahaayeen.

 Xasan Abshir ayaa si weyn ugu amaanay gobolka Shabeelaha dhexe  iyo shacabka ku dhaqanba sidii ay usoo dhaweeyeen wafdiga xukuumada  ee uu horkacayey ra'isulwasaare Geedi asagoo dhinaca kalena amaan ballaaran usoo jeediyey maamul goboleedka Puntland. Xasan Abshir waxaa uu sheegay in xarunta ugu weyn ee ciidamada dowladdu  ay noqondoonto magaalada Beledweyn kuwa kalena  ay noqonayaan magaalooyinka  gaal kacyo ,Jowhar ,Xuddur iyo Bu'aale.

 Mr Abshir ayaa intaa ku daray  in uu  dib ugu  laabandoonaan magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah dawlada kmg ah ee Somalia.

 

Wafdiga Xasan Abshir waxa uu jusii hakaday  deegaanka Kalabeyr halkaasoo ay kula hadleen mas'uuliyiinta deegaanka iyo dadweynaha 
 
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali TV   Muqdisho