Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Badyaqaanada soomaaliyeed oo ka deyrinaya mustaqbalka badaha soomaaliya

Waxaa si xoog leh looga deyrinayaa xaaluf baahsan oo ku soo fool leh qeyraadka badaha Soomaaliya kagadaal markii ay soo baxeen kaluumeysato Ajnabi ah oo si aan loom eel dayin u jilaabanaya noocyada kala duwan ee kaluunka Soomaliya sida uu waramayo Xasan Maxamad Afrax (Ciro) oo ah kaptanka markabkii Soomaaliyeed ee 21 Octoobar.

Kaptankan ayaa xusay in xeebaha Soomaaliya ay ka socdaan baabbi`in loo geysanayo dhamaan qeyraadkii dalka oo dhan, waxaana uu sheegay inay jiraan dalal caadeystay ku tagri falka badaha soomaaliya, waxaana ka mid ah buu yiri,dalalka Shiinaha, Taiwan, Yemen, iyo Cumaan, oo wata shabaakado qaadaya dhamaan Noolaha badda ku jira oo dhan, waxaana uu tilmaamay kaptankani in meelihii laga heli jiray kaluunka ee caanka ku ahaa haatan laga waayay sida Xaafuun.

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in haatan ay jiraan Doomo kaluumeysi oo gaaraya illaa 2000, kuwaasoo ka kala yimid wadamada Eeshiya, kuwaasoo sheegta inay heystaan ruqsad ay uga jilaaban karaan xeebaha Soomaaliya, isagoo qiray inay jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo xiriir la leh kaluumeysataas shisheeye.

Si kastaba ha haatee illaa hadda ma jiraan cid isku howshay wax ka qabashada xaalufka ku soo fool leh qeyraadka badaha Soomaaliya, iyadoo iminkana ay jiraan kaluumeysato shisheeye oo lagu heysto xeebta Kooyaame ee gobolka J/hoose.

Muxyaddiin Cali jimcaale Jakuula

Muqdisho-Somalia

__________________________________________________