Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Xubnaha labada gole ee ka soo jeeda beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah Mudug iyo G/gaduud ayaa loogu baaqay in ay is casilaan hadii aysan joojin Karin dhiiga walaalaha ee daadanaya.

Sheekh Cali Xaaji Yuusuf Xasan oo ka mid ah culumada beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah Mudug iyo G/gaduud ayaa ku eedeeyay xubnaha labada gole ee ka soo jeeda beelaha walaalaha ee ay dirirtu u dhaxeyso in ay ka jiifaan xal u helida mashaakilka sii dheeraanaya ee ka dhacay degaanadaasi.

 Waxa uu sheegay in ay soo ifbaxayaan ififaalo muujinaya in ay sii kordhayaan xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya labada beelood, isla markaana mas’uuliyiinta labada beelood ee ugu jira dowladda FS ee ku kala sugan  Muqdisho iyo Jowhar aysan isku howleyn in ay qaadaan talaabooyin ay ku qaboojinyaan xiisadaha ka oogan gobolada dhexe oo gaaray heerkii ugu xumaa ee dad walaal ah kala gaara ka dib markii ay fashilmeen isku dayo badan oo lagu xalinayo colaadahaasi.

 Sheekh Cali Xaaji Yuusuf ayaa waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda FS ee ku dhisan dib u heshiisiin in dhaqaalo ay ku bixiso meelo aan munaasab aheyn islamarkaana  tilmaamay in dowlad shacabkeeda dagaalamaya aysan aheyn dowlad.

 Dhinaca kale Imaamka Beesha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif Rooble ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee xurgufta ay ku dhex martay degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo G/gaduud in ay joojiyaan colaadaasi islamarkaana ay ku badalaan waxii khilaaf ah wada hadal.

Dagaalada u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ayaa u muuqdo kuwo soo noq noqdey ka dib markii lagu guuldareystay in xal laga gaaro xiisadaha u dhaxeeya labada beelood oo gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo dagaaladaan ay ku geeriyoodeen boqolaal ruux tan iyo markii ay ka bilowdeen gobolada dhexe ee Somaliya, waxaana wali jira dadaalo lagu doonayo in lagu nabadeeyo beelahaasi.

 Muxudiin Cali Jimcaale

Jakuula@hotmail.com