| Qaar ka mid
ah Dhaqdhaqaaqa Ururada Bulshada Rayidka ah ee fadhigoodu yahay Magaalada
Muqdisho ayaa shaaca ka qaadey ineysan maxaakiimta islaamka muqdish aaney
qori caaradii kula wareegi karin talada dalka
C/laahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah madaxda Dhaqdhaqaaqa Bulshada
rayidka ah ayaa tibaaxay in Maxaakinta Islaamiga ah ay ugu horeyntii ku
amaanan Yihiin Howlaha adeegyada Bulshada ah ee ay ka fuliyaan G/banaadir,islamarkaana
ay mudan yihiin in ay lug ku yeeshaan Hogaaminta Dalka.
Shirwac waxaa uu intaa raaciyey in ay Mas’uuliyiinta maxaakimta Sidoo
kale ay yihiin Siyaasiyiin ayna doonayaan in ay wadanka ku xukumaan Talis
Islaami ah balse ay tahay mid aan marnaba loo baahneyn oo aan meeshaba lasoo
galin Karin in ay yiraahdaan talada wadanka ayaan la wareegeynaa iyaga oo
adeegsanaya Qori Caaradiis.
Dhinaca kale Dhaqdhaqaaqa Bulshada rayidka ayaa manta baaq kazoo saaray
marxaladda uu iminka wadanka marayo iyo khilaafka Dowladda wali ka dhex
aloosan.
Qodobadii ku qornaa Baaqa ay soo saareen ayaa dhaqdhaqaa Bulshada rayidka
ah oo ay u arkeen in ay yihiin kuwo wax weyn ka taraya Khilaafka ba’an ee
udhexeeya Xubnaha Dowladda eek u kala sugan Jowhar iyo Muqdisho :-
Baaqa ayaa waxaa lagu sheegey in ay Ururada Bulshadsa Rayidka ah ay si
weyn usoo dhaweynayaan dadaalka nabadeed ee ay iminka ka dhex wado Dowladda
Soomaaliyeed Jamciyada Qurumaha ka dhexeysa oo ay ku sheegeen inuu horseedi
karo hanaan nabadeed oo waara,Inlaga fogaado inuu wadankeena Soomaaliya
Noqdo sida Dhibaatooyinka ka aloosan Darfur iyo Uganda.
Waxaa sidoo kale baaqa lagu xusay in loo baahan yahay in laga fogaado
Ururinta Maleeshiyaad hal dhinac ah iyo in la qaato dhammaanba go’aan mid ah
oo wada jira loona wada dhan yahay .
Xubnaha labada Gole eek u sugan magaalada Muqdisho waa in ay taageeraan
Gudoomiyaha Cusub ee uu G/banaadir usoo magacaabay R/wasaaraha Xukuumadda
FKMG-ka ee Somalia Prof.Cali Maxamed Geeddi,Maxamuud Xasan Cali {Cadde
Gaabow}sidoo kalana Xubnaha Jowhar ku sugan in ay taageeraan Howlaha
Nabadeynta ee laga wado G/Banaadir,ayaa ugu dambeyntiina lagusoo afmeeray
Baaqa ay manta soo saareen Ururada Dhaqdhaqaaqa Bulshada rayidka ah ee
fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|