Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowladda Itoobiya oo Laysay Maxabiis Somali ah oo ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Qabri Dahare,

Wararka ka imaanaya magaalada Qabri Daharre oo ka mid ah degaanada Soomaalida ee kalinka 5aad ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay halkaasi ku dileen 20 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo maxaabiis ku xirnaa xabsiga Qabri daharre ka dib markii ay isku dayeen in maxaabiistaasi ay ka baxsadaan xabsigaasi

Dadkaan ayaa geeriyooday ka dib markii 3 maxbuus oo ku eedeysnaa in ay ka mid yihiin jabhadda ku kacsan dowladda Ethiopia ee ONLF ta ay dileen askar ka mid ah ilaalada xabsi ku yaala Qabri Daharre isla markaana ay ka baxsadeen xabsiga.

Falkaan ka dib ayaa ciidamo Ethiopian ah oo hubeysan waxa ay beegsadeen goobo ku yaala magaalada, iyagoo ugaarsanaya dadka ay u arkaan in ay yihiin taageerayaasha ONLF ta.

Madaxa Warfaafinta ee midowga Xureynta Somali galbeed C/laahi Cismaan Gaashaan oo warameyey saxafada ayaa sheegay in dhimashada guud ay tahay 20 ruux, iyadoo dhaawacuna uu gaarayo 13 ka mid ah maxaabiista iyo labo ruux oo dadka magaalada ah.

Ma ahan ayuu yiri afhayeenka markii ugu horeysay ee ciidamada Ethiopia ay ku kacaan fal ceenkaan oo kale ah, iyadoo bishii hore falnuucaan oo kale ah ka geystay Tuulada Farmadow oo ka mid ah gobolka Dhagax buur, waxa uuna afhayeenku cambaareeyay falkan ay ciidamada Ethiopia ku kaceen shalay galinkii dambe, isagoo ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

MuqdishoSomaliya