| |
Kofi Anan oo magacaabay kormeerayaal xayiraada Hubka Somaliya
Iyadoo kooxaha hubeysan ee Soomaalida lagu soo waramayo in ay weli hub
helayaan, tiiyoo ay jirto xayiraad la soo rogay sanadkii 1992-kii, ayaa
xoghayaha guud ee Q.M Kofi Annan waxa uu mar kale magacaabay afar xubnood oo
ka mida kooxda kormeeraysa cunaqabateynta oo golaha amaanka ee Q.M uu mar
kale codsaday.
warqad ku socotay madaxweynaha golaha amaanka oo shalay la aqriyey, ayaa
Mr. Annan waxa uu ku magacaabay afar khuburo ah oo la soo shaqeeyey bishii
tagtay kooxda kormeerayaasha, si loo baaro mudo lix bilood oo kale ah
xaalada hubka ee wadanka Soomaaliya.
Khuburadaasi ayaa waxa ay kala yihiin Melvin Holt, Jr., oo Mareykan ah iyo
Joel Salek oo u dhashay wadanka Colombia, kuwaasoo xubno ka ahaa gudigii loo
saaray arrinta Soomaaliya ilaa markii la dhisay kooxdooda horaantii sanadkii
hore ee 2004-kii, waxaa kaloo ragan iminka dib loo magacaabay ka mida Harjit
Singh Kelley oo u dhashay wadanka Kenya, oo mar ahaa khabiir ka soo
shaqeeyey cunaqabateyntii la saaray Liberia iyo Bruno Schiemsky oo u dhashay
wadanka Belgium, oo isna qeyb ka ahaa koox kormeeraysay xayiraadii la saaray
dalka Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo.
Golaha amaanka ayaa ka codsaday Mr. Annan inuu dib u aasaaso koox
kormerayaal ah oo lagu qalabeenayo awoodo badan oo ay ku jirto in baaris
lagu sameeyo waxyaabaha ka hirgelay xayiraada hubka iyo xadgudubyada lagu
sameeyo labadaba, iyadoo xarumo baaritaan laga sameenayo gudaha Soomaaliya.
Gudiga, oo fadhigiisu yahay dalka Kenya, ayaa ay tahay in uu sidoo kale
qiimeyn ku sameeyo ficilada ay ku dhaqaaqayaan mas’uuliyiinta Soomaalida iyo
wadamada kale ee xubnaha ka ah Q.M, gaar ahaan dalalka deriskala ah
Soomaaliya inay si buuxda u dhaqan geliyaan xayiraada hubka ee saaran
Soomaaliya.
Kooxdan iminka dib loo magacaabay ayaa ku tilmaamay awoodooda baaris inay
gaarsiisan tahay inay si aad ah ula socdaan hubka soo galaya ama ka baxaya
Soomaaliya, xaga dhulka, hawada iyo badda, iyadoo sidoo kale ilo gaar ah
lagu haynayo qab qablayaasha dagaalka hogaamiye kooxeedyada iyo ganacsatada.
Sida lagu sheegay warbixintan oo ka soo baxay xafiiska Kofi Anan, waxaa
kormeer lagu sameenayaa suuqyada hubka lagu iibiyo ee Soomaaliya, si loo
ogaado noocyada hubka ay soo galay iyo halka uu ka soo galay.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|
|