Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka garsoorka dowladda FS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hortimid maamulka ay doonayaan in ay u sameeyaan gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe oo xiligaan ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegay in wali ay wadaan dhaq dhaqaaqyada iyo dadaalada ay ku doonayaan in maamul ay ugu dhisaan gobolka Bakool, isagoo intaasi ku daray in aysan jirin cid kalsooni darro u muujisay qorshaha ay wadaan ee ah maamul u sameynta gobolka Bakool.

Wasiirka garsoorka dowladda FS Sheekh aadan madoobe ayaa waxa uu sheegay in dadaalka arinkaasi ay ugu jiraan uu haatan marayo meeshii ugu sareysay isla markaana horaanta bishaan soo socota ay si toos ah u hirgalin doonaan maamulka cusub ee lagu wado in gobolka Bakool loo sameeyo.

Inkastoo ay jiraan qorshayaasha maamul u sameynta gobolka oo ay wadaan wasiiro ku sugan Xudur ayaa Aadan Saransoor oo ka mid ah mas'uuliyiinta gobolka bakool waxa uu ka soo horjeestay qorshaha maamul u sameynta gobolka Bakool.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya