Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynaha Dowlada FS ayaa manta safar dhulka ah ku tagay xarunta maamul goboleedlka Punltand ee Garoowe...

 12:45 Pm ee duhurnimo xiliga Soomaaliya ayaa madaxweynaha Dowlada FS C/laahi Yuusuf Axmed ayaa manta safar dhulka ah ku tagay xarunta maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe.Safar madaxweynaha waxaa ku weyliyay qaar ka mid xubnaha dowladiisa iyo waliba qaar ka mid xunaha ku jira maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayay Madaxweyne Cadde Muuse.

Madaxweynaha iyo xubnaha safarka ku wehliyay ayaa waxa ay soo galeen safar dheer iyagoo soo maray wadada dheer ee isku xirta Boosaaso Iyo Garoowe, waxaana la filayay in uu madaxweynaha ka soo dego garoonka dayuuradaha ee Garoowe balse arintaasi waxay noqotay mid aan qabsoomin ka dib markii la arkay isagoo safar dhulka ah ku soo gaaray Garoowe.

 Waxaana guud ahaan magaalada Garoowe amaanka aad iyo aad loo adkeeyay waxaana la arkayay ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo gaf wareegayaan wadooyinka iyo hareeraha xarunta maamul goboleedka Puntland oo uu degay madaxweyne C/laahi Yuusuf.

 Madaxweynayaha ayaa saxaafada iyo dadweynaha ku dhaqan Garoowe kula hadlay markii uu soo gaaray xarunta maamul goboleedka Puntland waxa uuna sheegay in ujeedada socdaalkiisa ee Garoowe uu yahay inuu joogo muddo laba maalmood ah oo uu la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulkaas iyo dadweynaha kadibna uu u sii gudbi doono magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka hoos taga Puntland.

Haddaba madaxweynaha ayaa hore u sii sheegay in uu safar dhulka ah ku tagi doono xarunta KMG dowlada ee magaalada Jowhar, waxaana shacabka wal wal ka muujinayaan marka uu safarka dhulka ku maraayo madaxweynaha gobolada dhexe in ay dhacaan iska hor imaadyo dhiig badan ku data balse la arki doonee.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali Tv
Mogadishu - Somalia


E-mail: abdifitahaam@hotmail.com