Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

                C/laahi Yuusuf oo galabta gaaray Gaalkacyo

 Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka kmg ah ee Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta socdaal xagga dhulka ku yimid magaalada gaalkacyo oo xarun u ah gobolka  Mudug .

 Mas'uulyiin ka kala tirsan dawlada Fs ,maamulka gobolka ,ururada bulshada rayidka,dhaliyarada saxafiyiinta iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa wafdiga madaxweynaha kusoo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo.Xaalada amaanka magaalada gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey ka dib markii ay soo gaareen wafdigii madaxweynaha uu horkacayey ayadoo dhawaanahan ay magaaladu ka jirtay xaalad daganaan la'aan ah .

 Booliska iyo ciidanka daraawiishta ayaa gaaf wareegaya wadooyinka magaalada gaalkacyo dhamaantood .

 Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa in maalinta bari ah ay kulan la qaadan doonaan maamulka gobolka Mudug ayna kula qaadan doonaan xarunta gobolka asagoo kala hadli doona sidii loo soo dhawenlahaa xukuumadiisa  sidoo kale waxaa bari galabkii la filayaa in madaxweynuhu uu dadka kala hadlo garoonka weyn ee cayaaraha ee magaalada .

 Madaxweyanha ayaa la sheegayaa intii uu wadada kusoo jiray uu degmooyin fara badan kula hadlay dadkii deganaa waxaa ka mid degmooyinkaasi Burtinle iyo Haybe.

Madaxweynaha ayaa maalmahan waxa uu ku sugnaa maamul goboleedka Puntland dhulalka uu ka arimiyo asagoo intii uu ku sugnaa magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland kulan kula yeeshay madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi iyo golihiisa wasiirada.

 Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu dhowr maalmood uu ku sugnaan doono magaalada Gaalkacyo.

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester  Somali Tv  Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com