Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta gelinka danbe  Sanca ku kulmaya

 madaxwaynaha dowladda kmg ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed  iyo Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda kmg ah ee Somalia shariif xasan sheikh aadan ayaa la filayaa in ay maanta galinka dambe kulan ay ku dhameynayaan khilaafaadkooda  ku yeeshaan magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yaman  sida uu xaqiijiyey Tv ga dawlada Yaman..

 Tv ga  Yaman ayaa waxa uu sheegay in marka labada mas’uul ay kulmaan ka dib ay si wada jir ah ula kulmi doonaan Madaxwaynaha jamhuuriyada  yaman Cali Cabdalla Saalax oo asagu dhexdhexaadintan dowr weyn ka geystay

 Horey ayaa raisulwasaaraha Yaman waxa uu kulangooni gooni ah la kala yeeshay labada mas'uul ee dawlada federaalka  kmg ah ee Somaliya si uu ugaado heerka khilaafkooda.

 

 

 Xillibaan Xasharo oo sharci daro ku tilmaamay aadista wasiirada iyo xillibaanada deegaanadii ay ka dhasheen iyo xubno ka socda dawlada oo kusoo fool leh gobolada Bay iyo Bakol.

 

Xillibaan Axmed Cawad Xasharo oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda gobollada puntland ayaa sheegay in aanay sharci ahayn in xillibaannadu ay u kal boqoolaan  gobollada dalka,iyadoo uu wali furanyahay kalfadhigii baarlamaanka.

Xildhibaan Xasharo waxa ayaa intaa ku daray in xillibaannadu fasax aanay  gali Karin ,iyadoo gudoomiyaha barlamaanka aanu fasixin. Xilliibaannada maanta gaaraya gobolada maamulka Puntland uu ka arimiyo  waxaa  ka mid ah mudanayaasha iyo wasiirada  ka soo jeeda maamulka  Soomaliland oo  ayagu haatan  siyaasadda dowladda aanu gayn Karin gobolladooda oo looga aqoonsanyahay dambilayaal.

 

Dhinaca kalena in ku dhow  8 xildhibaanno iyo wasiirro isugu jira ayaa la filayaa in ay soo gaaraan gobollada Bay iyo Bakool,xildhibaannadaasi kuwaasoo uu hoggaaminayo wasiirka beeraha ee dowladda kmg ah ee Somalia Xasan Maxamed Nuur"shaati gaduud"laakiin ilaa iminka  lama yaqaano xilliga kama dambaysta ah ee ay soo gaarayaan halkaasi ..Xasan Maxamed Nuur "shaati gaduud" iyo xubnaha wasiirrada iyo xillibaanada ah ee ku soo fool leh Bay iyo Bakool ayaa beryahanba  ku maqnaa magaalada Nairobi ka dib markii ay ku guul darraysteen dagaal ay ku doonayeen in  magaalada Baydhabo ku qabsadaan si ay u noqoto xarunta dawlada federaalka kmg ah ee Somalia  

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)

Rochester Somali TV

Muqdisho