C/laahi
Yuusuf Axmed oo dawlada Yaman ka dalbaday in ciidamo ay usoo dirto
Somaliya
Madaxweynaha
dawlada federalka ku meelgaarka ah ee Somaliya C/laahi Yuusuf oo iminka
booqasho ku jooga magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yaman ayaa xukuumada
yaman ka codsaday in ciidamo nabada soo celiyo usoo dirto Somaliya .
Madaxweynaha Somaliya ayaa jariidada Althowra ee kasoo baxda Yeman wareysi
ay la yeelatay ku sheegay in dawlada Yaman uu ka dalbanayo in ciidamo ay
ku deeqdo kuwaas oo ku biiriya ciidanka Midowga Afrika kasocda oo ay ugu
horeeyaan kuwa Sudan iyo Uganda Madaxweyne Somaliya waxaa kaloo uu
wargeyskan u sheegay in uu dib ugu laaban doono Somaliya ka dib marka uu
dhameysto booqashadan uu Yaman ku joogo.
Dhanka
kale raisulwasaaraha dawlada Yaman C/qaadir Bajamal ayaa kulamo goonigooni
ah lakala yeeshey madaxweynaha Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo
gudoomiyaha barlamaanka Sharif Xasan Sheekh Aadan si uu u ogaado
khilaafaadka ka dhexeeye labadooda heerka uu le’gyahay .
Gudoomiyaha
barlamaanka ayaa ra’sulwasaaraha Yaman u sheegay in asagu uu kasoo
horjeedo labo qodob oo kaliya kuwaasoo oo kala ah keenista ciidan ka socda
Safka hore iyo ka weecashada magaalada Muqdisho. Madaxweynaha iyo
gudoomiyaha ayaa labaduba sheegay in si aad ah u qadarinayaan dadaalada
xukuumada iyo hogaanka dawlada ay wadaan .
Raisulwasaaraha
Yaman C/qadir Bajamal ayaa sheegay in xukuumada Yaman iyo hogaankeeda ay
ka shaqeyndoonaan sii dhaqaajinta tashiilaadka Afrikanka iyo carabtuba si
loo caawiyo howlaha nabad soo celinta Somaliya.Raisulwasaaraha Yaman ayaa
sidoo kale sheegay in amaanka gobolka iyo deganaashihiisuba uu ku xiran
yahay amaanka dawladaha gobolka oo dhan asagoo intaa raaciyey in uu
jecelyahay in uu arko Somaliya oo ku naalooneysa amaan iyo midnimo qaran
oo dhameystiran.
Maalinta
barri ah ayaa la filayaa in kulan fool ka fool ah la isku soo hor
fadhiisiyo madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka si loo soo afjaro
khilaafaadka ka dhex jira dawlada federaalka ku meel gaarka ah ee Somaliya.
Geedi iyo Maxamed dheere oo kulan albaabadu u xiran yihiin qaatay
Raisulwasaaraha dawlada federaalka ku meelgaarka ah ee Somaliya Cali
Maxamed Geedi oo maalintii shaley aheyd soo gaaray magaalada Jowhar ayaa
xalay kulan ay albaabadu u xiran yihiin la yeeshay gudoomiyaha gudiga
siyaasada gobolka shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere .
Kulankan
oo saacado qaatay ayaa la sheegayaa in labada mas’uul ay uga wada hadleen
qaabka ay dawladu ugu shaqeyn karto magaalada Jowhar iyo sidii loo soo
dhaweyn lahaa xubnaha kale ee dawlada ka socda ee filaya in ay soo
gaaraan magaalada Jowhar maalmaha soo socda iyo sidii loogu diyaarin
lahaa goobihii ay dagi lahaayeen .Raisulwasaaraha ayaa iminka dagan
xarunta maamulka gobolka ayadoo wafdigii kale ee la socdayna ay
degenyihiin hotelka Saabir.,waxaana haatan magaalada ka soconaya
diyaarinta goobihii hore ee dawlada kuwaas oo la filayo in xubnaha dawlada
ay kusoo dagaan xarunna ay u noqoto.
Markii
ugu horeysay ayaa magaalada Jowhar lagu dhex arkay ciidamo hubeysan oo
ilaalo xoogan ka haya goobaha xubnaha dawladu ay degenyihiin ayadoo horey
ay mamnuuc u aheyd hub ku dhexsidashada magaalada gudeheeda.
Maxamed
Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
RSTV.
Muqdisho