Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

           Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo booqday dekedda Boosaaso .

 Madaxweynaha  dawlada FS C/laahi Yuusuf Axamed iyo mas'uulyiin ka tirsan xukuumada Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi  ayaa maanta booqasho ku tagey dagada weyn ee magaalada Boosaaso. Dhinaca kale madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa magaalada boosaao waxa uu kulan kula qaatay salaadiinta gobolka bari.

 C/laahi Yuusuf  ayaa odayaashaa uga warbixiyey  dadaalka dowladdiisu  eek u wajahan  dib u heshiisiinta ayadoo sidoo kalana madaxweynuhu uu uga warbixiyey salaadiinta qaabkii ay dawladiisu  u dhisantay,asagoo kala hadlay sidoo kale qaabka ay dawladiisu dooneyso in ay ku shaqeyso. Salaadiintan ka soo jeeda gobolka kulankana la qaadatay madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa waxa ay ka dalbadeen in uu sideganaani ay ku jirto uu uwajaho xaalada Somalia.

 Warar kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynuhu aanu kasoo baqooli doonin Boosaaso illaa laga soo dhamaystirayo sahayda gargaarka  ah ee dawladiisu loogu deeqay. C/laahi Yuusuf ayaa la filayaa sida wararku ay sheegayaan in uu socdaal xaga dhulka ah uu ku imaado magaalada jowhar ee xarunta dawlada kmg ah ee Somalia ,laakiin socdaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu hirgalayo marka ay soo dhameystirmaan gargaarka xukuumadiisa.

 

Xaruntii ug horreysay oo TB-da lagu daweynayo oo laga furay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan

Markii ugu horeysay ayaa magaalada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan  waxa laga furay xarun weyn oo lagu daaweynayo dadka qaba cudurka Qaaxada ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Furitaanka xaruntan oo ay gacan ka geysatay hay'ada caafimaadka aduunka ayaa kusoo beegmay xilli dadka degen degmada Jalalaqsi iyo deegaanada ku dhow dhow ay dhibaato ka haysatay  helitaanka dawooyinka lagula dagaallamo cudurka qaaxada.

Tallaabada lagu furay xaruntan ayaa meesha  waxa ay ka saareysaa in sidii hore dadku ay dawo usoo doontaan labo xarumood oo cudurka lagu daweeyo oo ku kala yaala magaalada Beledweyn,taasoo dhibaabto weyn  ku ahayd dadkadhibaatada ay heyso  ee meelaha fog imanaya,ayadoo dhaqaatiirtuna ay ku amraan dadka in ay daawada hortooda ku liqaan si loo xaqiijiyo in bukaanku uu daawada isticmaalay taasina ay dhibaato ku tahay dadka meelaha fogfog ka imanaya oo aan awood u laheyn in maalin walba ay xaruntaa yimaadaan.

 Dadka reer Jalalaqsi ayaa mahad ballaaran u jeediyey dadkii fuliyey mashruucaasi .

WHO ayay shaqadeedu ahayd dhinaca caafimadka .lakin markan ayay  isku waajib yeeshay dadkan inay wax u qabato maadaama aaney jirin cid wali si toos isugu taagtay in dadkaa tabaaleysan.

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv  Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com