|
MadaxweyanahaDowladda FKMG oo u Socdaaley Yemen
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay magaalada Jowhar, isagoo ku sii
jeeda waddanka Yemen
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay ku sii Hakadeen magaalada Boosaaso
waxaana ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse Suudi iyo
xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada, iyadoo kadibna la dejiyay Hotel ku
yaalla magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Yuusuf ayaa marka uu dhameysto booqashada uu ku joogo
deegaanada Puntland waxaa la filayaa in uu kadib u amba baxo Dalka Yemen,
halkaasi oo uu maanta kaga qayb gali doono shir ay leeyihiin madaxda Dalalka
Yemen, Suudaan, Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo looga wada hadli doono
arrimo badan oo ka jira waddamada ku bahoobey Ururka Sanca gaar ahaan
Dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ku wehlinaya Wasiiru dowlaha Arrimaha
Dibadda Ibraahin Shiikh Jeebo, Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta
Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Dalxiiska, iyo xubno kale oo ka tirsan
golayaasha Dowladda Soomaaliyed
Abdifataax M. Abdinuur
RSTVONLINE.COM
|