| Col.
Cabdi Cigaal oo ka badbaaday weerar shirqool ah oo ay ku soo qaadeen
maleeshiyada Barre Hiiraale.
Maleeshiyooyin ka Amar qaata Col.Barre Hiiraale ayaa xalay weerar
hubeysan ku qaaday aqalka magaalada kismaayo uu ka daganyahay G/sare Cabdi
Cigaal oo ka mid ah saraakiisha sare sare ee isbaheysiga D/jubba.
Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo u waramay saxaafada Muqdisho ayaa waxa uu
xaqiijiyay in weerarkaasi dhinaciisa dhaawac uu ka soo gaaray mid ka mid ah
maleeshiyadiisa, halka dhinaca kale la sheegay in iyana mid kale uu ka
dhaawacmay.
Cabdi Cigaal ayaa waxa uu ku tilmaamay weerarkaasi lagu soo qaaday in uu
ahaa mid la doonayay in isaga lagu qaarjiyo oo uu ku eedeeyay in ay soo
agaasimeen mas’uuliyiinta isbaheysiga D/jubba.
Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga D/jubba ayaa iyagu beeniyay in weerar
lagu qaaday Guriga Col.Cabdi Cigaal, iyagoo ka gabsaday in wax faahfaahin ah
ay ka sii bixiyaan iska horimaadkaasi.
Weerarkaasi oo dhacay xalay fiidnimadii ayaa waxaa laga maqlayay
magaalada Kismaayo sawaxanka Rasaasta ay isbdhaafsadeen ilaalada G/sare
Cabdi Cigaal iyo maleeshiyooyinka Isbaheysiga D/jubba.
Maleeshiyooyinka Beesha uu ka dhashay Col. Cabdi Cigaal ayaa lagu soo
waramayaa in ay isku uruursanayaan gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo laga
cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco magaaladaasi.
Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegantay Xilli dhowaan uu saxaafadda u
sheegay Col.cabdi Cigaal in magaalada Kismaayo aan lagu qaban Karin kulan
lagu heshiisiinayo labada garab ee dowladda FS ee ku kala sugan Muqdisho iyo
Jowhar, isagoo si kulul u sheegay in masiirka magaalada Kismaayo aan lagala
tashan Karin Col.Barre Hiiraale.
Si kastaba ha ahaatee kulankii la doonayay in uu ka dhaco magaalada
Kismaayo ayaa u muuqda mid qabsoomidiisa ay soo wajaheen caqabado ka dhashay
murano u dhaxeeya mas’uuliyiinta isbaheysiga D/jubba.,
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho
Jakuula@hotmail.com
|